fbpx
Saturday, September 23, 2023
HomeWararkaJabuuti oo Soo Deynaysa Muwaadin Hore Somaliland Ugu Dhiibtay

Jabuuti oo Soo Deynaysa Muwaadin Hore Somaliland Ugu Dhiibtay

    

Xukuumada Somaliland ayaa la sheegay inay dalka ku soo celinayo muwaadin Somaliland u dhashay oo dalka Jabuuti muddo ugu xidhnaa dembi la xidhiidha argagaxiso, ka dib markii madaxda Somaliland kala xaajoodeen dhigooda Jabuuti.

Cabdillahi Sheekh Cabdiraxmaan, oo muddo 8 sannadood ku jira xabsi ku yaal dalka Jabuuti ayaa sannadkii 2014 Hargeysa looga qabtay isaga iyo dad kale eedo la xidhiidha qaraxyo dalka Jabuuti ka dhacay, balse keligii loo gudbiyey, markii dadkii la xidhna laga reebay, sida hooyadii Faadumo Ciise u sheegtay warbaahinta 15 June, 2020, “Waxaan Ahay Hooyo La Dulmiyay oo Midab Takoor Lagu Sameeyay Wiilkayguna Wuxuu Uxidhan Yahay Somaliland” ayaa haatan la sheegay in loo soo wareejin doono dalka, si muddada xukunkiisa ka hadhay ugu dhamaysto, sida ilo- xog-ogaal ah u sheegeen Warg Dawan.

Talaabada Somaliland ee la soo wareegida muwaadinka ayaa la sheegay inay ka dambaysay, ka dib markii Taliyaha Ciidanka Booliiska JSL Sareeye Guuto Maxamed Aadan Saqadhi (Jano-gale) uu wada xaajood kala yeeshay madaxda dalka Jabuuti, gaar ahaan Taliyaha Booliiska Jabuuti Kornayl Cabdillahi Cabdi Faarax, oo dhowaan kulan ku dhexmaray dalka Jabuuti.

Dowladdaha Somaliland iyo Jabuuti ayaa kala saxeexday heshiis dhanka amniga ah gaar ahaan dagaalka ka dhanka ah aragagixisada iyo isku gudbinta dambiilayaasha maadama ay xudduud wadaagaan.

Muwaadin Cabdillahi Sheekh oo muddo ku xidhnaa Jabuuti ayaa Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi 18 June, 2020 sheegay inuu caddaaladdaro ka tirsanayo xukuumadihii hore, isla markaana arrintiisa kala hadlay madaxda Jabuuti, waxaanu yidhi.

“Waxaa jira nin muwaadina oo reer Somaliland ah oo todoba sano waddanka Jabuuti ku xidhnaa, oo arrimahaasi falalka argagixisada u xidhnaa oo ka tirsanaya caddaaladaro xukuumaddihii xukuumaddan ka horeeyay, waanu kala hadalay dowlada Jabuuti faylkiisi dib ayaa loo furayaa hadii ILLAAHEY yidhaahdo.” Ayuu yidhi Madaxweyne Muuse Biixi.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Arimaha Diinta

Afsoomaaliga buugaagta ku qoran ma badna, inta qoranna dhanka samaha uma badna…..” Sh. Mustafe Xaji Ismacil

Afsoomaaliga buugaagta ku qoran ma badna, inta qoranna dhanka samaha uma badna…..” Sh. Mustafe Xaji Ismacil

Sheekh Almis Yaxye Oo Ku Baaqay in la sameeyo Jeegaan Diimeed..Daawo

Sheekh Almis Yaxye Oo Ku Baaqay Jeegaan Diimeed..Daawo

Sidee Loo Helaa Macaanka Cibaadada” Sheekh Maxamed Cumar Dirir.

Sidee Loo Helaa Macaanka Cibaadada" Sheekh Maxamed Cumar Dirir.

Tafsiir Gaagaaban || Casharka 189 aad || Al-Maa’ida 48-50… Soo Jeedinta Sh. Maxamed Sh. Cumar Dirir

Tafsiir Gaagaaban || Casharka 189 aad || Al-Maa'ida 48-50... Soo Jeedinta Sh. Maxamed Sh. Cumar Dirir

Sh. Mustafe X.Ismaaciil Haaruun Cudurada Qalbiga Ku dhaca (Al Qalbu Saliim)

Sh. Mustafe X.Ismaaciil Haaruun Cudurada Qalbiga Ku dhaca (Al Qalbu Saliim)