Thursday, April 25, 2024
HomeWararkaDawladda Taiwan Oo Malaayiin Dollar Kaga Qayb-qaadanaysa Doorashooyinka Isku Sidkan Ee Somaliland.

Dawladda Taiwan Oo Malaayiin Dollar Kaga Qayb-qaadanaysa Doorashooyinka Isku Sidkan Ee Somaliland.

Dawladda Taiwan, ayaa Somaliland ku caawinaysa Dhaqaale ay ugu talo-gashay inay kaga qayb-qaadato Doorashooyinka Goleyaasha deegaanka iyo Wakiillada oo la qorsheeyay inay dalka ka dhacaan 31-ka bisha 5-aad ee 2021.

Taiwan ayaa qoondaysay inay Adduun lacageed oo dhan 2 Million oo dollar kaga qayb-qaadato Doorashooyinka Baarlamaanka iyo Goleyaasha Deegaanka Somaliland.

Lacagtan ayaa loo adeegsan doonaa hubinta in hawlaha doorashadu si habsami leh u socdaan iyo in kale, sida uu sheegay Wargeyska Business Week oo uu Wargeyska Geeska Afrika soo xigtay.

Sidoo kale, Dalalka Qaadhaan-bixiyeyaasha ee reer Yurub,  ayaa dhaqaale iyo Farsamo ahaan uga qayb-qaatay diwaangelinta cod-bixiyeyaasha doorashooyinka Somaliland, sida uu sheegay Guddoomiyaha Guddiga Doorashada Qaranka Somaliland Cabdirashiid Riyo-raac.

Ugu dambayn, Somaliland iyo Taiwan ayaa sannadkii hore samaystay xidhiidh diblumaasiyadeed, waxayna Hargeysa iyo Taipea ka fureen Xafiis-Wakiileedyo.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Arimaha Diinta

Ma doonaysaa inaan Saddaqo ku Darsato Masaajid?

Magaalada Kassel ee Dalka Germany oo ay Deganyihiin qiyaastii Somalida ugu badan Dalkani waxaa ka socda Khayr fara-badan oo mudan in lagala Qayb qaato. Gudida...

Afsoomaaliga buugaagta ku qoran ma badna, inta qoranna dhanka samaha uma badna…..” Sh. Mustafe Xaji Ismacil

Afsoomaaliga buugaagta ku qoran ma badna, inta qoranna dhanka samaha uma badna…..” Sh. Mustafe Xaji Ismacil

Sheekh Almis Yaxye Oo Ku Baaqay in la sameeyo Jeegaan Diimeed..Daawo

Sheekh Almis Yaxye Oo Ku Baaqay Jeegaan Diimeed..Daawo

Sidee Loo Helaa Macaanka Cibaadada” Sheekh Maxamed Cumar Dirir.

Sidee Loo Helaa Macaanka Cibaadada" Sheekh Maxamed Cumar Dirir.

Tafsiir Gaagaaban || Casharka 189 aad || Al-Maa’ida 48-50… Soo Jeedinta Sh. Maxamed Sh. Cumar Dirir

Tafsiir Gaagaaban || Casharka 189 aad || Al-Maa'ida 48-50... Soo Jeedinta Sh. Maxamed Sh. Cumar Dirir
Exit mobile version