fbpx
Thursday, November 30, 2023
HomeWararkaMadaxweyne ku-xigeenka JSL Oo Ka Qayb-galay Shir-weynaha Haweenka Ee Doorashooyinka +SAWIRRO

Madaxweyne ku-xigeenka JSL Oo Ka Qayb-galay Shir-weynaha Haweenka Ee Doorashooyinka +SAWIRRO

 Madaxweyne ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) ayaa maanta ka qayb-galay munaasibad loo qabtay haweeen weynaha Somaliland ee qaybta ka ah tar-tanka doorashooyinka fooda inagu soo haya ee Wakiilladda iyo Deegaanka.

Shirweynahan oo ujeedadiisu ahayd sidii haween-weynaha Somaliland loogu taageeri lahaa ka qayb-qaadashadda arrimaha Siyaasadda islamarkaana loogu dhiiri galin laha inay is-doortaan ayuu madaxweyne ku xigeenku kula dar-daarmay haween weynaha kuna yidhi “Shirkani waa uu dabada ku hayaa sidii loo awoodayn lahaa sidii haween waynuhu uga qayb-qaadan lahaayeen arrimaha siyaasadda, gaar ahaan arrintan imika taagan ee doorashooyinka oo aynu ku dhiiri gelino inay is-doortaan oo yimaadan halka siyaasadda wadanka laga gooyo hadii ay fullin tahay iyo hadii ay sharci-dajinba tahay.”

Madaxweyne ku-xigeenka oo hadalkiisa sii wata ayaa sheegay in Xukuumaddu dadaal xoogan gelisay sidii haweenku uga qayb-noqon lahaayeen Siyaasadda waxaanu yidhi. “Haweeenku waa laf-dhabarta dalkeenna waa muhiim in kooto loo sameeyo oo gobol walba tiro gaar ahi kasoo baxdo, nasiib-darro arrintaa golaha sharci-dajinta ayaa nagu diiday, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biix Cabdi aad ayuu ugu dadaalay runtii inuu kordhiyo ka qayb-galka haweenka ee fullinta isagoo agaasime-yaal magacaabay, waxna madaxweynaha ayay qalin-kiisa ku jiraan, waxna doorasho ayay ku xidhan tahay, hadii kootadii la diiday hadana ka xisbiyo ahaan waxaanu isla garanay in la sharaxo haweenka “ ayuu yidhi Madaxweyne ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland.

         

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Arimaha Diinta

Afsoomaaliga buugaagta ku qoran ma badna, inta qoranna dhanka samaha uma badna…..” Sh. Mustafe Xaji Ismacil

Afsoomaaliga buugaagta ku qoran ma badna, inta qoranna dhanka samaha uma badna…..” Sh. Mustafe Xaji Ismacil

Sheekh Almis Yaxye Oo Ku Baaqay in la sameeyo Jeegaan Diimeed..Daawo

Sheekh Almis Yaxye Oo Ku Baaqay Jeegaan Diimeed..Daawo

Sidee Loo Helaa Macaanka Cibaadada” Sheekh Maxamed Cumar Dirir.

Sidee Loo Helaa Macaanka Cibaadada" Sheekh Maxamed Cumar Dirir.

Tafsiir Gaagaaban || Casharka 189 aad || Al-Maa’ida 48-50… Soo Jeedinta Sh. Maxamed Sh. Cumar Dirir

Tafsiir Gaagaaban || Casharka 189 aad || Al-Maa'ida 48-50... Soo Jeedinta Sh. Maxamed Sh. Cumar Dirir

Sh. Mustafe X.Ismaaciil Haaruun Cudurada Qalbiga Ku dhaca (Al Qalbu Saliim)

Sh. Mustafe X.Ismaaciil Haaruun Cudurada Qalbiga Ku dhaca (Al Qalbu Saliim)