fbpx
Friday, March 29, 2024
HomeWararkaHargeysa: Tababar Loo Furay Agaasime Waaxeedyada Wasaaradda Warfaafinta +SAWIRRO

Hargeysa: Tababar Loo Furay Agaasime Waaxeedyada Wasaaradda Warfaafinta +SAWIRRO

    

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Wacyigelinta JSL, Maxamed Yuusuf Ismaaciil, ayaa maanta tababar ku saabsan foomamka qorshaynta iyo qiimeynta hawlqabadka shaqaalaha u furay Agaasime Waaxeedyada Wasaaradda.

Tababarkan oo maalin socday,  waxa goob joog ka ahaa Agaasimaha Qiimeynta ee Hay’adda Shaqaalaha Dawladda Saleebaan Maygaag, waxana Agaasimeyaasha Waaxaha iyo Agaasime Ku-xigeennada Wasaaradda Warfaafinta sharrax laga siiyey qaabka loo qorsheeyo, loona buuxiyo foomka hawl-qabadka  iyo qiimeynta shaqaalaha.

Agaasimaha Waaxda Cudduda shaqaalaha ee Wasaaradda Warfaafinta Jaamac Cawil  Nuux, ayaa furitaankii tabobarkaas ka sheegay in wasaaraddu dabaqayso nidaamka casriga ah ee qiimeynta shaqaalaha, waxaanu ka warramay ahmiyada tababarkaasi u  leeyahay  shaqada Wasaaradda.

Agaasimaha Shaqaaluhu wuxuu ku booriyey Madaxda Waaxaha Wasaaradda inay ka faa’iidaystaan oo ay ku shaqeeyaan macluumaadka ay ka kasbadeen tababarkaas oo u fududeynaya nidaamka shaqada iyo qiimeynta shaqaalaha ay maamulaan.

Agaasimaha Qiimeynta ee Hay’adda Shaqaalaha Dawladda Saleebaan Maygaag, ayaa  sheegay in tababarkaasi waxtar u leeyahay qorsheynta shaqada iyo nidaamka isla xisaabtanka, waxaanu Wasaaradda ku ammaanay inay sannadkii labaad fulinayso habraacyada siyaasadda guud ee Hay’adda shaqaalaha Dawladda.

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta,Dhaqanka iyo Wacyigelinta Md. Maxamed Yuusuf Ismaaciil, ayaa sheegay in tababarkani uu Wasaaradda ka saacidayo in la fududeeyo nidaamka loo qiimeynayo shaqaale weynaha Wasaaradda. Waxaanu tilmaamay in Waax kasta oo ka tirsan Wasaaradda looga baahan yahay inay fuliyaan qorshe hawleedkii loo asteeyey.

Agaasimaha Guud ee Warfaafintu wuxuu intaas ku daray inuu rajaynayo inay noqdaan Wasaaradaha u horreeya ee dabaqaya 16ka habraac ee siyaasadda Hay’adda Shaqaalaha dawladda.

Agaasime Maxamed Yuusuf wuxuu intaas ku daray in Waax kasta looga fadhiyo inay daadejiso qorshaha iyo hawl-maalmeedkeeda mucayinka ah, waxaanu tilmaamay  in shaqaalaha loo xil-saaro waajibaad cayiman inta aan lala xisaabtamim.

             

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Arimaha Diinta

Afsoomaaliga buugaagta ku qoran ma badna, inta qoranna dhanka samaha uma badna…..” Sh. Mustafe Xaji Ismacil

Afsoomaaliga buugaagta ku qoran ma badna, inta qoranna dhanka samaha uma badna…..” Sh. Mustafe Xaji Ismacil

Sheekh Almis Yaxye Oo Ku Baaqay in la sameeyo Jeegaan Diimeed..Daawo

Sheekh Almis Yaxye Oo Ku Baaqay Jeegaan Diimeed..Daawo

Sidee Loo Helaa Macaanka Cibaadada” Sheekh Maxamed Cumar Dirir.

Sidee Loo Helaa Macaanka Cibaadada" Sheekh Maxamed Cumar Dirir.

Tafsiir Gaagaaban || Casharka 189 aad || Al-Maa’ida 48-50… Soo Jeedinta Sh. Maxamed Sh. Cumar Dirir

Tafsiir Gaagaaban || Casharka 189 aad || Al-Maa'ida 48-50... Soo Jeedinta Sh. Maxamed Sh. Cumar Dirir

Sh. Mustafe X.Ismaaciil Haaruun Cudurada Qalbiga Ku dhaca (Al Qalbu Saliim)

Sh. Mustafe X.Ismaaciil Haaruun Cudurada Qalbiga Ku dhaca (Al Qalbu Saliim)