fbpx
Saturday, June 3, 2023
HomeWararkaCaynaba: Qoysaska Barokaceyaal ah Oo Caawimo La Gaadhsiiyay

Caynaba: Qoysaska Barokaceyaal ah Oo Caawimo La Gaadhsiiyay

    

Qoysas barokaceyaal ah oo degan Kaam ku yaalla magaaladda Cynaba oo todobaadkii hore ay guryahoodii ka gubteen ayaa loo qaybiyay raashin iyo maacuunka ama weelka wax lagu cunno.

Caawimadaasi oo ay soo gaadhsiisay haayadda qoxoontiga iyo barokaceyaasha Somaliland waxaa qoysaskaasi u qaybiyay wasiirka xidhiidhka goleyaasha iyo arrimaha dastuurka Somaliland Maxamed Xaaji Aadan Cilmi.

Qoysaskan ay guryuhu ka gubteen ayaa ka mid ah barokaceyaal degan xeryo ku yaalla magaaladda Caynaba kuwaasoo ka mid ah dadkii ay xoolahoodii kaga baxeen abaarihii.

Tiradda qoysaska caawimadda la gaadhsiiyay ayaa dhamayd 50 qoys oo ka mid ahaa dadkii ay guryahoodii ku shuf beeleen dab qabsaday todobaadkii hore.

Maxamed Xaaji Aadan Cilmi, wasiirka xidhiidhka goleyaasha iyo arrimaha dastuurka ayaa uga mahad celiyay haayadda qoxoontiga iyo barokaceyaasha oo raashinkaasi soo gaadhsiisay qoysaskaasi.

“Waxaan u mahad celinayaa guddoomiyaha haayadda qoxoontiga iyo barokaceyaasha, oo muujiyay dareen deg deg ah.  Caawimana u soo diray dadkaa barokaceyaasha ah.

Isagoo dawladda ka wakiil ah, caawimadan la gaadhsiinayo barokaceyaashani, inta ay doontaba ha leekaatee” ayuu yidhi wasiirku.

Geesta kale wasiir Maxamed Xaaji Aadan, waxa uu sheegay in ay ka xukuumad ahaan ka war haynayaan qoysaskaasi ay dhibaatadu soo gaadhay, isla markaana ay og yihiin in dadka ku jira kaamamka kale baahidda ay qabaan.

Waxaanu yidhi, “Waxa aynu rabno in aynu dadkeena u qabano, way ka balaadhan yihiin way ka balaadhan yihiin 50-kan qoys ee aynu maanta halkan ugu nimid. Laakiin, waxaanu u nimid in aan u kuur gallo nolosha dhabta ah, iyo duruufta halkan ka jirta.

Iyadoo kaamamka kalena ay kan uun la mid yihiin. Inta ka horaysana xukuumad ahaan waa in aynu dadkeena nugulka ah ka war hayno”.

Qaybinta caawimadda la gaadhsiiyay qoysaskaasi guryuhu ka gubteen waxaa wasiirka xidhiidhka goleyaasha ku wehelinayay Guddoomiyaha haayadda qoxoontiga iyo barokaceyaasha ee gobolka Saraar iyo masuuliyiin kale.

Dhinaca kale waxaa xiligan deegaamo ka tirsan gobolka Saraar ka taagan xaalad biyo la’aaneed. Iyadoo dhibaatada ugu weyni haysato dadka barokaceyaasha ah.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Arimaha Diinta

Afsoomaaliga buugaagta ku qoran ma badna, inta qoranna dhanka samaha uma badna…..” Sh. Mustafe Xaji Ismacil

Afsoomaaliga buugaagta ku qoran ma badna, inta qoranna dhanka samaha uma badna…..” Sh. Mustafe Xaji Ismacil

Sheekh Almis Yaxye Oo Ku Baaqay in la sameeyo Jeegaan Diimeed..Daawo

Sheekh Almis Yaxye Oo Ku Baaqay Jeegaan Diimeed..Daawo

Sidee Loo Helaa Macaanka Cibaadada” Sheekh Maxamed Cumar Dirir.

Sidee Loo Helaa Macaanka Cibaadada" Sheekh Maxamed Cumar Dirir.

Tafsiir Gaagaaban || Casharka 189 aad || Al-Maa’ida 48-50… Soo Jeedinta Sh. Maxamed Sh. Cumar Dirir

Tafsiir Gaagaaban || Casharka 189 aad || Al-Maa'ida 48-50... Soo Jeedinta Sh. Maxamed Sh. Cumar Dirir

Sh. Mustafe X.Ismaaciil Haaruun Cudurada Qalbiga Ku dhaca (Al Qalbu Saliim)

Sh. Mustafe X.Ismaaciil Haaruun Cudurada Qalbiga Ku dhaca (Al Qalbu Saliim)