fbpx
Friday, April 19, 2024
HomeWararkaAgaasimaha Guud Ee Wasaaradda Warfaafinta Somaliland oo La Wareegay Dhir Kor Loogu...

Agaasimaha Guud Ee Wasaaradda Warfaafinta Somaliland oo La Wareegay Dhir Kor Loogu Qaadi Doono Bilicda Wasaaradaas

    

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Wacyigelinta JSL Maxamed Yuusuf Ismaaciil, ayaa dhir kala wareegay urur ka mida kuwa haweenka ee dalka ka jira.

Gudoomiyha ururka hooyo kaalay ila lugee Xamda Xuseen Cabdilaahi ayaa sheegtay in dhirtan ay ku wareejiyeen agaasimaha wasaaradda warfaafinta Somaliland ay yihiin boqol geed, kuwaas oo ay iska kashadeen ururkaas iyo wasaaradda degaanka Somaliland, iyadoo u jeedana tahay in laga shaqeeyo sidii loo tarmin lahaa dhirta, kuwaas oo qayb ka qaadan kara bilicda hay’addaha kala duwan ee dawlada.

Ugu dambayn agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Wacyigelinta JSL Maxamed Yuusuf Ismaaciil ayaa si dhirtaa si sarmi ah ula wareegay, waxaanuu u mahadceliyay masuuliyiinta ururka deeqdaas dhirta ah ku wareejiyay.

Maxamed Yuusuf Ismaaciil agaasimaha guud ee wasaaradda warfaafinta, dhaqanka iyo wacyigelinta Somaliland waxa uu sheegay in dhitaas lagu beeri doono wasaaradaas, iyadoo ay socoto qorshe dib loogu habaynaayo bilicda iyo nadaafadda xarunta wasaaradda warfaafinta Somaliland.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Arimaha Diinta

Ma doonaysaa inaan Saddaqo ku Darsato Masaajid?

Magaalada Kassel ee Dalka Germany oo ay Deganyihiin qiyaastii Somalida ugu badan Dalkani waxaa ka socda Khayr fara-badan oo mudan in lagala Qayb qaato. Gudida...

Afsoomaaliga buugaagta ku qoran ma badna, inta qoranna dhanka samaha uma badna…..” Sh. Mustafe Xaji Ismacil

Afsoomaaliga buugaagta ku qoran ma badna, inta qoranna dhanka samaha uma badna…..” Sh. Mustafe Xaji Ismacil

Sheekh Almis Yaxye Oo Ku Baaqay in la sameeyo Jeegaan Diimeed..Daawo

Sheekh Almis Yaxye Oo Ku Baaqay Jeegaan Diimeed..Daawo

Sidee Loo Helaa Macaanka Cibaadada” Sheekh Maxamed Cumar Dirir.

Sidee Loo Helaa Macaanka Cibaadada" Sheekh Maxamed Cumar Dirir.

Tafsiir Gaagaaban || Casharka 189 aad || Al-Maa’ida 48-50… Soo Jeedinta Sh. Maxamed Sh. Cumar Dirir

Tafsiir Gaagaaban || Casharka 189 aad || Al-Maa'ida 48-50... Soo Jeedinta Sh. Maxamed Sh. Cumar Dirir