fbpx
Thursday, November 30, 2023
HomeWararkaSool: Wasaaradda Deegaanka Oo Bur-buriyay Dhuxul Fara Badan

Sool: Wasaaradda Deegaanka Oo Bur-buriyay Dhuxul Fara Badan

     Wasaaradda deegaanka iyo horumarinta reer miyiga Somaliland ayaa deegaamo ka tirsan gobolka Sool  ka fulisay hawl gallo ay ku bur-buriyeen dhir badan oo la jaray oo Dhuxul laga shidayay.

Iyadoo maalmahan u danbeeyay  ay wasaaradda deegaanka ka waday meello ka tirsan degmadda Xudun ee gobolka Sool hawl gallo lagula dagaalamayay Dhuxul fara badan oo la shiday iyo dhir la jaray.

Isku-duwaha wasaaradda deegaanka iyo horumarinta reer miyiga Somaliland ee gobolka Sool Jaamac Xaaji Maxamuud Saalax, oo kaashanayay ciidamadda milateriga ee aagaasi ku sugan waxay maanta baabiiyeen goobo badan oo Dhuxul lagu shidayay.

Jaamac Xaaji Maxamuud Saalax,  oo  hawl galkaasi uga warbixiyay warbaahinta dawladda ee Somaliland ayaa digniin u diray cid kastoo ku hawlan shidista Dhuxusha iyo jarista dhirta, isla markaana tallaabo laga qaadi doono.

Waxaanu sheegay  dadka caadaysatay ama hawshaa ku jira in tallaabo  laga qaadi doono, isla markaana sharciga  la hor gayn doonaa. Isagoona ugu baaqay bulshadda deegaanka Xudun in ay deegaankoodda ilaashadaan.

Isku-duwaha wasaaradda deegaanka ee gobolka Sool waxa kaloo uu intaas raaciyay in aanay ugu tegin goobahaasi dadkii Dhuxusha shidayay oo ay meesha isaga yaaceen ka hor intii aanay ciidamadu gaadhin. Balse ay raadkoodda hayaan ayna garanayaan.

Geesta kale Jaamac Xaaji Maxamuud Saalax,  in raggaasi Dhuxulaysatadda ah ay jareen dhirtii ay dadka iyo duunyaduba hadhsanayeen, isla markaana aanay kala soocin geed weyn iyo geed yar midnaba.

Jarista dhirtaasi noocyadda kala duwan isugu jirtay ee Dhuxusha laga shiday ayuu xasuuq iyo dabar-goyn ku tilmaamay isku-duwaha Sool.

Waxaanu  sheegay in nolosha bulshadu ay dhirta ku tiirsan tahay, sidaas darteedna loo baahan yahay in dhirta la ilaaliyo.

Dhinaca kale isku-duwaha wasaaradda deegaanka ee Sool ayaa  ugu baaqay maamulka degmadda Xudun, odayaasha iyo waxgaradka deegaanka in ay wasaaradda deegaanka kala shaqeeyaan la dagaalanka Dhuxusha, isla markaana meel kastoo ay ku arkaan ay ku soo wargeliyaan.

 

 

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Arimaha Diinta

Afsoomaaliga buugaagta ku qoran ma badna, inta qoranna dhanka samaha uma badna…..” Sh. Mustafe Xaji Ismacil

Afsoomaaliga buugaagta ku qoran ma badna, inta qoranna dhanka samaha uma badna…..” Sh. Mustafe Xaji Ismacil

Sheekh Almis Yaxye Oo Ku Baaqay in la sameeyo Jeegaan Diimeed..Daawo

Sheekh Almis Yaxye Oo Ku Baaqay Jeegaan Diimeed..Daawo

Sidee Loo Helaa Macaanka Cibaadada” Sheekh Maxamed Cumar Dirir.

Sidee Loo Helaa Macaanka Cibaadada" Sheekh Maxamed Cumar Dirir.

Tafsiir Gaagaaban || Casharka 189 aad || Al-Maa’ida 48-50… Soo Jeedinta Sh. Maxamed Sh. Cumar Dirir

Tafsiir Gaagaaban || Casharka 189 aad || Al-Maa'ida 48-50... Soo Jeedinta Sh. Maxamed Sh. Cumar Dirir

Sh. Mustafe X.Ismaaciil Haaruun Cudurada Qalbiga Ku dhaca (Al Qalbu Saliim)

Sh. Mustafe X.Ismaaciil Haaruun Cudurada Qalbiga Ku dhaca (Al Qalbu Saliim)