fbpx
Friday, March 29, 2024
HomeWararkaMadaxweynaha Puntland Oo Eeddo Culus U Jeediyay Farmaajo

Madaxweynaha Puntland Oo Eeddo Culus U Jeediyay Farmaajo

    

Madaxweynaha maamul goboleedka Puntland ayaa dhaliilo culus u jeediyay madaxweynaha dawladda federaalka Soomaaliya Maxamed C/laahi Farmaajo.

Eedahaasi oo la xidhiidhay muranka ka taagan doorashooyinka iyo khilaafka u dhexeeya maamul goboleedyadda iyo dawladda federaalka Soomaaliya.

Wuxuu sheegay in arrinta doorashadda gobolka Gedo oo ka mida qodobadda salka u ah khilaafka taagan inuu kala hadlay madaxweyne Farmaajo, balse ay isku af-garan waayeen sidii xal looga gaadhi lahaa.

Madaxweyne Deni, waxa uu sidan ka sheegay khudbad uu xalay ka jeediyay munaasibad ay qabatay haayadda cilmi baadhista  maamulka Puntland oo lagu qabtay magaaladda Garoowe.

Khudbadaasi ahayd mid aad u dheer ayuu kaga sheekeeyay kaalintii ay Puntland ka soo qaadatay dhismaha nidaamka dhismaha dawladnimadda federaalka Soomaaliya, xaaladda siyaasadeed ee haatan ka taagan Soomaaliya.

Khilaafka doorashooyinka ee u dhexeeya dawladda federaalka Soomaaliya iyo maamul goboleedyadda, sidii hanaan dimoqraadi ah loogu maamuli lahaa qabashadda doorashooyinka Soomaaliya iyo arrimo kale.

Geesta kale madaxweyne Deni, waxa uu ka hadlay shirarkii hore maamul goboleedyadda iyo dawladda federaalka ah ku dhex maray magaalooyinka Muqdisho, Garoowe iyo Dhuusamareeb, iyo waxyaabihii keenay in ay shirarkaasi natiijo la’aan ku dhamaadaan.

Dhinaca kale Waxyaabaha uu sida gaarka ah uga hadlay waxaa kamid ahaa ciidamada dowladda Federaalka ee Haramcad iyo Gorgor, kuwaasoo ku tilmaamay in ay khatar dhanka amniga ah u horseedeen dalka.

Kuwaasoo uu sheegay in uu sameeyay baadhitaan ku aaddan ciidamada Gorgor iyo Haramcad, waxa uuna ku tilmaamay inuu shaki weyn ka qabo ciidamadaasi iyo sida loo tababaray, isla markaana ay yihiin kuwo naxariis laaweyaal ah.

DAAWO: Khudbadii Madaxweynaha Puntland:

 

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Arimaha Diinta

Afsoomaaliga buugaagta ku qoran ma badna, inta qoranna dhanka samaha uma badna…..” Sh. Mustafe Xaji Ismacil

Afsoomaaliga buugaagta ku qoran ma badna, inta qoranna dhanka samaha uma badna…..” Sh. Mustafe Xaji Ismacil

Sheekh Almis Yaxye Oo Ku Baaqay in la sameeyo Jeegaan Diimeed..Daawo

Sheekh Almis Yaxye Oo Ku Baaqay Jeegaan Diimeed..Daawo

Sidee Loo Helaa Macaanka Cibaadada” Sheekh Maxamed Cumar Dirir.

Sidee Loo Helaa Macaanka Cibaadada" Sheekh Maxamed Cumar Dirir.

Tafsiir Gaagaaban || Casharka 189 aad || Al-Maa’ida 48-50… Soo Jeedinta Sh. Maxamed Sh. Cumar Dirir

Tafsiir Gaagaaban || Casharka 189 aad || Al-Maa'ida 48-50... Soo Jeedinta Sh. Maxamed Sh. Cumar Dirir

Sh. Mustafe X.Ismaaciil Haaruun Cudurada Qalbiga Ku dhaca (Al Qalbu Saliim)

Sh. Mustafe X.Ismaaciil Haaruun Cudurada Qalbiga Ku dhaca (Al Qalbu Saliim)