26.1 C
Hargeisa
Wednesday, March 22, 2023

Madaxwaynaha Jsl Oo Madaxtooyada Ku Qaabiley Suldaan Daa,uud Suldaan Maxamed Suldaan Cabdiqaadir.

Kulankan madaxweynuhu la qaatay madax-dhaqameedka oo ay ka qaybgaleen suldaan Daa’uud Suldaan Maxamed Suldaan Cabdiqaadir oo uu dhalay marxuum Suldaan Maxamed, madax-dhaqameed, wasiiro iyo siyaasiyiin kale ayey ujeeddadiisu ahayd mahadnaq ay madax-dhaqameedkani ugu tageen madaxweynaha iyo duco lagu baarigayey suldaanka cusub ee xilka saldanadda la wareegay.

Wasiirrada wasaaradaha Xannaanada Xoolaha iyo horumarinta Kalluumaysiga, Mudane Siciid Sulub Maxamed, Waxbarashada iyo Sayniska, Mudane Axmed Maxamed Diiriye, La-taliyaha madaxweynaha Somaliland ee arrimaha doorashooyinka, Mudane Maxamed Cabdilaahi Daahir (Cukuse) Suldaan Aadan Faarax Cumar, jiif Caaqil Cabdiweli Jaamac Cabdi, Garaad Mustafe Maxamed Cumar iyo xubno kale oo katirsan madax-dhaqameedka oo hadallo ka jeediyey kulanka, ayaa si isku mid ah madaxweynaha ugaga mahad-celiyey kaalintii taariikhiga ahayd ee uu ka qaatay Aaskii Suldaan Maxamed, abaabulkiisii iyo diyaarintiisiiba.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa madax-dhaqameedka iyo salaadiinta uga mahadceliyey kulanka mahadnaqa ah ee ay ugu yimaaddeen, waxana uu u duceeyey suldaanka cusub ee dhallinyarada ah, waxana uu yidhi,“Suldaan Daa’uud oo cusub oo maanta aynnu wadno aad iyo aad bay sharaf noogu tahay marka hore qaran ahaan inaad noo keentaan oo aannu u ducayno oo aannu is aragno, qof ahaanna sharaf bay ii tahay.”

Wa-bilaahi Tawfiiq

la Xidhiidha

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisement -

Arimaha Diinta