fbpx
Friday, March 29, 2024
HomeWararkaKomishanka Doorashooyinka Oo Soo Saaray Shuruudaha Looga Baahan Yahay Musharixiinta Utartamaya Gole-yaasha...

Komishanka Doorashooyinka Oo Soo Saaray Shuruudaha Looga Baahan Yahay Musharixiinta Utartamaya Gole-yaasha Deegaanka Iyo Wakiilada Jsl.

Xili Ay Xisbiyada iyo beelaha ayaa ku mashquulsan kala saarida Murrashaxiinta Goleyaasha Wakiillada iyo Deegaanka, iyada oo Maalmihii u dambeeyey Xisbiyadu aqbaleen murrashaxiin Reerahoodu u gudbiyeen Xisbiyada.

Komishanka Doorashooyinka, ayaa soo saaray Shuruudaha looga baahan yahay Murrashaxiinta Utartamaya Goleyaasha Wakiillada iyo Deegaanka, kuwaas oo Xeerka guud ee doorashooyinku waajibiyey in ay buuxiyaan xubnaha tartamaya.

Shuruudahan, komishanku soo bandhigeen, ayaa ah kuwan hoos ku qoran:

Shuruudaha looga baahan yahay musharaxa golaha wakiillada Somaliland

Shaqaalaha dawladda iyo ciidamada Qaranka ee kala duwan rabbana inay u tartamaan golaha wakiillada iyo degaanku waa inay is casilaan 90 cisho ka hor maalinta doorashada loo asteeyay.

Kaadhka dhalashada ee muwaadinimada

Kaadhka codbixiyaha oo ah goobta uu ka tartamayo.

Caddayn in aanay dadiisu ka yareyn 35-sano

Warqad caafimaad oo caddaynaysa inuu jidh ahaan iyo maskax ahaan u gudan karo xilkiisa

Shahaado dugsi sarre ah

Warqada danbi la’aanta

Warqad caddayn shaqo ka tagid ah hadduu shaqalaha dawladda ama ciidamada Qaranka ee kala duwan ka tirsan yahay.

Caddayn ah in uu bixiyay 40 millyan oo Somaliland Shilin ah, oo debaaji ah isla markaana aan celis lahayn, laguna bixiyo xafiiska cashuuraha berriga ee wasaaradda maaliyadda.

In uu saxeexay xeerarka anshaxa iyo doorashooyinka

Waa inuu keeno codsi ah inuu u tartamayo doorashada, caddeeyana inuu buuxiyay shuruudaha xeerku qoray.

Murashaxa isku soo sharaxay golaha wakiillada amma golaha degaanka, waxaa uu xaq u leeyahay in uu ka tanaasulo, balse waa inuu qoraal rasmiya u soo gudbiyo xisbigii uu ka sharaxnaa iyo guddida doorashooyinka Qaranka ugu yaraan 40 maalmood ka hor taariikhda cod-bixinta

Shuruudaha looga baahan yahay musharaxa golaha deegaanka ee Somaliland

Shaqaalaha dawladda iyo ciidamada Qaranka ee kala duwan rabbana inay u tartamaan golaha wakiillada iyo degaanku waa inay is casilaan 90 cisho ka hor maalinta doorashada loo asteeyay.

Kaadhka dhalashada ee muwaadinimada.

Kaadhka codbixiyaha oo ah goobta uu ka tartamayo.

Caddayn in aanay da’diisu ka yareyn 30-sano.

Waraaqda danbi la’aanta.

Shahaado jaamacadeed, heerka koobaad ee degree, ah musharixiinta degmooyinka

Darajada A, murashixiinta derajada B iyo C na caddayn saddex sano ah ayaa looga baahan yahay.

Caddayn cashuur bixiye inuu ka yahay degmada uu ka sharaxan yahay

Hanti mood ama nool, oo uu ku leeyahay degmada uu ka sharaxan yahay

Waa inuu keeno warqad caddaynaysa inuu bixiyay shan iyo toban milyan oo Somaliland shilin ah, degmooyinka derajada A, 7-milyan, derajada B iyo C 4-milyan.

Warqad caddayn shaqo ka tagid ah hadduu shaqalaha dawladda ama ciidamada Qaranka ee kala duwan ka tirsan yahay.

Warqad caafimaad oo caddaynaysa inuu jidh ahaan iyo maskax ahaan ugudan karo xilkiisa

In uu saxeexay xeerarka anshaxa iyo doorashooyinka

Waa inuu keeno codsi ah inuu u tartamayo doorashad, caddeeyana inuu buuxiyay shuruudaha xeerku qoray.

Murashaxa isku soo sharaxay golaha degaanku amma wakiiladdu waxaa uu xaq u leeyahay in uu ka tanaasulo, balse waa inuu qoraal rasmiya u soo gudbiyo xisbigii uu ka sharaxnaa iyo guddida doorashooyinka Qaranka ugu yaraan 40 maalmood ka hor taariikhda cod-bixinta.

HALKAN KAGA BOGO  FARIINTA KOMISHANKA:

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Arimaha Diinta

Afsoomaaliga buugaagta ku qoran ma badna, inta qoranna dhanka samaha uma badna…..” Sh. Mustafe Xaji Ismacil

Afsoomaaliga buugaagta ku qoran ma badna, inta qoranna dhanka samaha uma badna…..” Sh. Mustafe Xaji Ismacil

Sheekh Almis Yaxye Oo Ku Baaqay in la sameeyo Jeegaan Diimeed..Daawo

Sheekh Almis Yaxye Oo Ku Baaqay Jeegaan Diimeed..Daawo

Sidee Loo Helaa Macaanka Cibaadada” Sheekh Maxamed Cumar Dirir.

Sidee Loo Helaa Macaanka Cibaadada" Sheekh Maxamed Cumar Dirir.

Tafsiir Gaagaaban || Casharka 189 aad || Al-Maa’ida 48-50… Soo Jeedinta Sh. Maxamed Sh. Cumar Dirir

Tafsiir Gaagaaban || Casharka 189 aad || Al-Maa'ida 48-50... Soo Jeedinta Sh. Maxamed Sh. Cumar Dirir

Sh. Mustafe X.Ismaaciil Haaruun Cudurada Qalbiga Ku dhaca (Al Qalbu Saliim)

Sh. Mustafe X.Ismaaciil Haaruun Cudurada Qalbiga Ku dhaca (Al Qalbu Saliim)