fbpx
Tuesday, December 5, 2023
HomeWararkaGuddoomiyaha UCID Oo Dhaliilo U Jeediyay Madaxweyne Biixi iyo Xukuumadiisa

Guddoomiyaha UCID Oo Dhaliilo U Jeediyay Madaxweyne Biixi iyo Xukuumadiisa

    

Guddoomiyaha xisbiga mucaaradka ah ee UCID  ayaa ku eedeeyay xukuumadda madaxweyne Muuse Biixi inay faro gelin ku hayso hanaanka soo xulista murashaxiinta gaar ahaana xisbigiisa.

Tallbaadaasi oo uu ku tilmaamay mid fool xumo u keenaysa dimoqraadiyadda iyo dalkeenaba, isla markaana ceeb ku ah madaxweynaha iyo xukuumadiisaba.

Hadalka Faysal, ayaa la xidhiidha kadib markii dhawaan la xidhay laba murashax oo xisbiga UCID uga tartamayay gobolka Maroodijeex, xadhiga murashaxiintaasi oo la sheegay in xukuumadu ka danbayso.

Waxaanu guddoomiyaha UCID ka codsaday madaxweynaha Somaliland inuu joojiyo ficiladda noocaasi ah, isla markaana uu xabsiga ka sii daayo murashaxiinta xidhan maadaama oo aanu jirin wax denbi ah oo ay galeen.

Eng. Faysal Cali Waraabe, waxa uu sidan ka sheegay munaasibad loo sameeyay laba murashax oo xisbiga UCID uga tartami doona doorashooyinka goleyaasha Wakiiladda iyo Deegaanka ee Somaliland oo maanta lagu qabtay magaaladda Hargaysa.

Murashaxiintaasi ayaa kala ah Maxamed Xasan Siciid, oo u tartamaya doorashadda golaha Wakiiladda kana sharaxan gobolka Maroodijeex, iyo Maxamuud Xuseen Faarax (Cadaani), oo isna u tartamaya golaha deegaanka Hargaysa.

Guddoomiyaha UCID waxa kaloo uu sheegay in doorashooyinka tan ka danbeeya  uu rejaynayo in laga gudbi doono murashaxiinta ay beeluhu soo xulayaan, isla markaana loo gudbi doono in xisbi waliba uu soo xulo murashaxiinta.

Eng. Faysal, waxa uu si gaarra u amaanay murashax Maxamed Xasan, oo uu tilmaamay inuu aqoon u leeyahay, isla markaana uu ka mid yahay dadka ay doonayaan in ay wadanka horumariyaan.

Geesta kale, waxa uu ka hadlay rejadda uu ka qabo in doorashooyinku ay si wanaagsan dalka uga dhici doonaan iyo sidoo kale laba murashax oo xisbigiisa laga xidhay dhawaan welina xabsiga ku jira.

Tallaabadaasi oo uu ku tilmaamay mid fool xumo u keenaysa dimoqraadiyadda iyo dalkeenaba, isagoona madaxweyne Biixi ka codsaday in xukuumadiisu ay joojiso arrintaasi.

Dhinaca kale waxaa xafladaasi ka soo qayb galay masuuliyiin ka tirsan xisbiga UCID iyo sidoo kale boqolaal ka mida taageereyaasha xisbigaasi gaar ahaana beesha ay ka soo jeedaan labadan murashax ee maanta la shaaciyay in ay xisbigaasi ka sharaxan yihiin.

DAAWO: Khudbadii Eng. Faysal Cali Waraabe:

 

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Arimaha Diinta

Afsoomaaliga buugaagta ku qoran ma badna, inta qoranna dhanka samaha uma badna…..” Sh. Mustafe Xaji Ismacil

Afsoomaaliga buugaagta ku qoran ma badna, inta qoranna dhanka samaha uma badna…..” Sh. Mustafe Xaji Ismacil

Sheekh Almis Yaxye Oo Ku Baaqay in la sameeyo Jeegaan Diimeed..Daawo

Sheekh Almis Yaxye Oo Ku Baaqay Jeegaan Diimeed..Daawo

Sidee Loo Helaa Macaanka Cibaadada” Sheekh Maxamed Cumar Dirir.

Sidee Loo Helaa Macaanka Cibaadada" Sheekh Maxamed Cumar Dirir.

Tafsiir Gaagaaban || Casharka 189 aad || Al-Maa’ida 48-50… Soo Jeedinta Sh. Maxamed Sh. Cumar Dirir

Tafsiir Gaagaaban || Casharka 189 aad || Al-Maa'ida 48-50... Soo Jeedinta Sh. Maxamed Sh. Cumar Dirir

Sh. Mustafe X.Ismaaciil Haaruun Cudurada Qalbiga Ku dhaca (Al Qalbu Saliim)

Sh. Mustafe X.Ismaaciil Haaruun Cudurada Qalbiga Ku dhaca (Al Qalbu Saliim)