fbpx
Thursday, November 30, 2023
HomeWararkaacag Foojeri ah Oo La Sheegay In Ay Soo Gashay Suuqyadda Magaaladda...

acag Foojeri ah Oo La Sheegay In Ay Soo Gashay Suuqyadda Magaaladda Hargaysa

    

Waxaa maanta gebi ahaanba ay sarifleyaasha magaaladda Hargaysa joojiyeen in ay sarifaan lacagta dollarka Maraykanka ah.

Sidoo kale dukaamadda iyo meheradaha ganacisga ee isla magaaladda Hargaysa ayaa joojiyay in ay dadka wax kaga iibiyaan lacagta dollarka ee Maraykanka.

Tallaabadan ay sarifleyaasha Hargaysa ku diideen in ay dadka u sarifaan lacagta dollarka ah iyo diidmadda meheradaha ganaciga ayaa ka dhalatay kadib markii la sheegay in ay suuqyadda magaaladda Hargaysa soo gashay lacag faalso ah.

Lacagtaasi foojeriga ah ayaa la sheegay in ay tahay $50 dollar ee lacagta Maraykanka, taasoo shaki ku abuurtay sarifleyaasha iyo sidoo kale dukaamadda ganacsiga.

Arrintani ayaana jaha-wareer ka dhex abuurtay sarifleyaasha iyo sidoo kale meheradaha ganacsiga kuwaasoo sababta ay u diideen in ay qaataan lacagta dollarka  ah ku sifeeyay cabsi ay ka qabaan lacagtaasi faalsada ah.

Waxaanay arrintaasi maanta keentay in boqolaal dadweyne ah ay u xanibmaan diidmadda sarifleyaasha iyo meheradaha ganacsiga ee lacagta dollarka ah gaar ahaana $50 dollar.

Geesta kale ma jiro wax war ah oo ay arrintan ka soo saareen haayadaha ay khusayso sida baanka dhexe iyo laamaha amaanka oo ay kaga hadleen lacagtan Foojeriga ah ee la sheegay in ay suuqyadda magaaladda Hargaysa soo gashay iyo xagga ay ka timid.

Hase yeeshee, dhacdadni ayaa markii ay saaka maqleen bulshadda ku dhaqan magaaladda Hargaysa fajac weyn ku abuurtay, maadaama oo bulshadda intoodda badani ay isticmaalaan in ay wax ku iibsadaan lacagta dollarka ah.

Halka sidoo kale gebi ahaanba meheradaha ganacsiga ee Dharka iibiya iyo Bakhaarradda magaaladda Hargaysa marka ay dadka wax ka iibinayaan ay ugu qiimeeyaan dollar ama ay wax kaga iibiyaan.

 

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Arimaha Diinta

Afsoomaaliga buugaagta ku qoran ma badna, inta qoranna dhanka samaha uma badna…..” Sh. Mustafe Xaji Ismacil

Afsoomaaliga buugaagta ku qoran ma badna, inta qoranna dhanka samaha uma badna…..” Sh. Mustafe Xaji Ismacil

Sheekh Almis Yaxye Oo Ku Baaqay in la sameeyo Jeegaan Diimeed..Daawo

Sheekh Almis Yaxye Oo Ku Baaqay Jeegaan Diimeed..Daawo

Sidee Loo Helaa Macaanka Cibaadada” Sheekh Maxamed Cumar Dirir.

Sidee Loo Helaa Macaanka Cibaadada" Sheekh Maxamed Cumar Dirir.

Tafsiir Gaagaaban || Casharka 189 aad || Al-Maa’ida 48-50… Soo Jeedinta Sh. Maxamed Sh. Cumar Dirir

Tafsiir Gaagaaban || Casharka 189 aad || Al-Maa'ida 48-50... Soo Jeedinta Sh. Maxamed Sh. Cumar Dirir

Sh. Mustafe X.Ismaaciil Haaruun Cudurada Qalbiga Ku dhaca (Al Qalbu Saliim)

Sh. Mustafe X.Ismaaciil Haaruun Cudurada Qalbiga Ku dhaca (Al Qalbu Saliim)