Hargeysa(Haldoornews):-Komishanka Doorashooyinka Qaranka, ayaa maanta kula la yeeshay Saddexda Xisbi Qaran, Wasaarada Waxbrashada, Guddida Tacliinta Sare, Wasaaradda Maaliyada, Wasaradda Caafimaadka, Xeer-Ilaalinta Qaranka & Hay’ada Shaqaalaha Dawladda.
Kulankan ayaa lagaga hadlayay sidii Xulista Musharixiinta Doorashooyinka Deegaanka iyo Wakiillada loo dardar-gelin lahaa iyo sidii loo hubin lahaa in dhammaan Murashixiintu ay buuxiyeen Shuruudaha uu qeexay, isla markaana uu waajibiyay Xeerka Guud ee Doorashooyinka & Diiwaangelinta Codbixiyayaasha 91/2020 iyo Dastuurka JSL.

Waxaana si qoto-dheer lays kula eegay sidii Xisbiyada, Hay’adaha kala duwan ee Dawladda iyo KDQ u hubin lahayeen fulinta Xeer Lr. 91/2020 iyo dhaqan-gelinta Qoddobada Xeerka sida Shuruudaha ku xidhan Murashixiinta isku taagi doona Doorashooyinka inagu soo foolka leh.