Thursday, April 18, 2024
HomeWararkaKomishanka Doorashooyinka Oo Kulan Layeeshay Madaxda Xisbiyada,Xeer Ilaalinta Iyo Xafiiska Imtixaanaadka!

Komishanka Doorashooyinka Oo Kulan Layeeshay Madaxda Xisbiyada,Xeer Ilaalinta Iyo Xafiiska Imtixaanaadka!

Kulankan ayaa lagaga hadlayay sidii Xulista Musharixiinta Doorashooyinka Deegaanka iyo Wakiillada loo dardar-gelin lahaa iyo sidii loo hubin lahaa in dhammaan Murashixiintu ay buuxiyeen Shuruudaha uu qeexay, isla markaana uu waajibiyay Xeerka Guud ee Doorashooyinka & Diiwaangelinta Codbixiyayaasha 91/2020 iyo Dastuurka JSL.

Laamaha Dawlada ee kala duwan ee shirkan ka qayb galay ayaa doorar kala duwan ku leh bixinta Waraaqaha cadeynaya Shuruudaha buuxintooda uu Xeerku ku waajibiyey Murashixiinta sida Shahaadooyinka Waxbrashada, Cashuur-bixinta, Deebaajiga, Dambi-la’aanta, Shaqo ka-tegista Shaqaalaha Dawladda, Warqadaha Caafimaadka, iwm.

Waxaana si qoto-dheer lays kula eegay sidii Xisbiyada, Hay’adaha kala duwan ee Dawladda iyo KDQ u hubin lahayeen fulinta Xeer Lr. 91/2020 iyo dhaqan-gelinta Qoddobada Xeerka sida Shuruudaha ku xidhan Murashixiinta isku taagi doona Doorashooyinka inagu soo foolka leh.

 

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Arimaha Diinta

Ma doonaysaa inaan Saddaqo ku Darsato Masaajid?

Magaalada Kassel ee Dalka Germany oo ay Deganyihiin qiyaastii Somalida ugu badan Dalkani waxaa ka socda Khayr fara-badan oo mudan in lagala Qayb qaato. Gudida...

Afsoomaaliga buugaagta ku qoran ma badna, inta qoranna dhanka samaha uma badna…..” Sh. Mustafe Xaji Ismacil

Afsoomaaliga buugaagta ku qoran ma badna, inta qoranna dhanka samaha uma badna…..” Sh. Mustafe Xaji Ismacil

Sheekh Almis Yaxye Oo Ku Baaqay in la sameeyo Jeegaan Diimeed..Daawo

Sheekh Almis Yaxye Oo Ku Baaqay Jeegaan Diimeed..Daawo

Sidee Loo Helaa Macaanka Cibaadada” Sheekh Maxamed Cumar Dirir.

Sidee Loo Helaa Macaanka Cibaadada" Sheekh Maxamed Cumar Dirir.

Tafsiir Gaagaaban || Casharka 189 aad || Al-Maa’ida 48-50… Soo Jeedinta Sh. Maxamed Sh. Cumar Dirir

Tafsiir Gaagaaban || Casharka 189 aad || Al-Maa'ida 48-50... Soo Jeedinta Sh. Maxamed Sh. Cumar Dirir
Exit mobile version