Friday, April 19, 2024
HomeWararkaWasaaradda Warfaafinta Oo Iska Difaacday Dhaliillo Uga Yimid Mucaaradka

Wasaaradda Warfaafinta Oo Iska Difaacday Dhaliillo Uga Yimid Mucaaradka

    

Wasaaradda warfaafinta Somaliland ayaa iska difaacday eedaymo ay u jeediyeen xisbiyadda mucaaradku oo la xidhiidhay in agaasimihii hore ee TV-ga qaranka xilka laga qaaday isagoo xanuunsanaya oo cusbitaal jiifa.
Agaasimaha guud ee wasaaradda warfaafinta Somaliland Maxamed Yuusuf Ismaaciil, ayaa beeniyay wararkaasi oo maalmihii u danbeeyay siyaabo qaldan loo fasiray oo ku saabsana wareegtadii wasiirka warfaafintu uu isku badalka ku sameeyay masuuliyiinta wasaaradda qaar ka mid ah.


Waxaanu sheegay agaasimaha guud in Maxamed Xasan Cali (Weji), uu xanuunsaday, balse xiliga isku bedelka xilalka wasaaradda lagu sameeyay aanu cusbitaalka jiifin oo uu ka soo baxay.
Maxamed Yuusuf Ismaaciil, oo maanta hadal ka jeediyay munaasibad lagu qabtay xarunta wasaaradda warfaafinta.
Waxaanu sheegay wararkaasi ay yihiin been abuur, isla markaana Weji aan xilka laga qaadin, laakiin waax kale loo magacaabay.

Dhinaca kale, kadib markii ay soo baxday wareegto uu wasiirka warfaafinta Somaliland soo saaray Sabtidii todobaadkan oo uu isku bedel ku sameeyay agaasime waaxeedyo wasaaradaasi ka tirsan ayay bulshada qaarkood dhaliileen.
Dhaliishaasi oo la xidhiidhay in agaasimihii hore ee telefishanka qaranka Maxamed Xasan Weji, oo hadda loo magacaabay agaasimaha waaxda dhaqanka ee wasaaradda warfaafinta in xiliga laga bedelayay uu xanuunsayay.
Ka sekow falcelinta bulshadda waxaa arrintaasi ka hadlay masuuliyiin ka tirsan xisbiga mucaaradka ah ee Waddani.
Iyadoo ay tallaabadaasi ku tilmaameen mid xad gudub ku ahayd agaasimihii hore ee TV-qaranka Somaliland.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Arimaha Diinta

Ma doonaysaa inaan Saddaqo ku Darsato Masaajid?

Magaalada Kassel ee Dalka Germany oo ay Deganyihiin qiyaastii Somalida ugu badan Dalkani waxaa ka socda Khayr fara-badan oo mudan in lagala Qayb qaato. Gudida...

Afsoomaaliga buugaagta ku qoran ma badna, inta qoranna dhanka samaha uma badna…..” Sh. Mustafe Xaji Ismacil

Afsoomaaliga buugaagta ku qoran ma badna, inta qoranna dhanka samaha uma badna…..” Sh. Mustafe Xaji Ismacil

Sheekh Almis Yaxye Oo Ku Baaqay in la sameeyo Jeegaan Diimeed..Daawo

Sheekh Almis Yaxye Oo Ku Baaqay Jeegaan Diimeed..Daawo

Sidee Loo Helaa Macaanka Cibaadada” Sheekh Maxamed Cumar Dirir.

Sidee Loo Helaa Macaanka Cibaadada" Sheekh Maxamed Cumar Dirir.

Tafsiir Gaagaaban || Casharka 189 aad || Al-Maa’ida 48-50… Soo Jeedinta Sh. Maxamed Sh. Cumar Dirir

Tafsiir Gaagaaban || Casharka 189 aad || Al-Maa'ida 48-50... Soo Jeedinta Sh. Maxamed Sh. Cumar Dirir
Exit mobile version