fbpx
Friday, March 29, 2024
HomeWararkaWasaaradda Deegaanka Oo Boorama Ku Qabatay Wacyigelinta Ka Ganacsiga Harimacadka

Wasaaradda Deegaanka Oo Boorama Ku Qabatay Wacyigelinta Ka Ganacsiga Harimacadka

    Wasaaradda deegaanka iyo horumarinta reer miyiga Somaliland ayaa maanta magaaladda Boorama ka daah-furtay barnaamijka wacyigelinta la dagaalanka sharci darrada ah ee duur joogta.

Barnaamijkaasi oo ay wasaaradda deegaanka ka gacan siinayso sanduuqa bad-baadinta Harimacadka (CCF), oo ka mida haayadaha ay wada shaqaynta leeyihiin wasaaradda.


Kulankaasi ayay u jeedadiisu tahay sidii bulshadda gobolks Awdal loo gaadhsiin lahaa fariinta la dagaalanka ka ganacsiga sharci darrada ah ee duur joogta gaar ahaana Harimacadka.
Iyadoo qorshuhu yahay in dadweynaha gobolka Awdal dhawaan loogu taggo tuulooyinkoodda iyo deegaamadoodda.
Si loo gaadhsiiyo ololahan ku saabsan joojinta ka ganacsiga iyo dhibaataynta duur joogta.


Kulankaasi waxaa furay agaasimaha guud ee wasaaradda deegaanka Somaliland C/naasir Axmed Xirsi.
Waxa kaloo kulankaasi ka soo qayb galay agaasimaha waaxda duur joogta ee wasaaradaasi, agaasimaha haayadda CCF Mrs. Laurie Marker.


Maamulka gobolka Awdal,ka degmadda Boorama iyo isku duwaha wasaaradda deegaanka ee gobolka Awdal iyo xubno ka socday jaamacadaha magaaladda Boorama.
Somaliland ayaa lagu tilmaamaa in ay ka mid tahay wadamadda Barriga Afrika ee uu ka jiro ka ganacsiga sharci darrada ah Harimacadka.
Inkastoo ay wasaaradda deegaanku dedaal weyn iyo dagaalba ka gashay sidii dhibaataynta duur joogta wax looga qaban lahaa.
Waxaana tallaabooyinkaasi ka mids in la ansixiyay, isla markaana la dhaqan geliyay xeetka ilaalinta Kaymaha iyo duur joogta.
Sharcigaasi oo mamnuucaya ka ganacsiga iyo dhibaataynta duur joogta, nooc kastoo ay tahayba.


Sidaasina waxaa sheegay agaasimaha guud ee wasaaradda deegaanka Somaliland C/naasir Axmed Xirsi.
Geesta kale barnaamijkan ay wasaaradda deegaanku maanta ka daah-furtay Boorama ayaa looga dan leeyahay sidii kor loogu qaadi lahaa wacyigelinta bulshadda ee ku aadan ilaalinta duur joogta.
Loona joojin lahaa ficiladda dhibaataynta ah ee loo gaysto duur joogta, sida uu sheegay C/naasir Xuseen Siciid, agaasimaha waaxda duur joogta ee wasaaradda deegaanka Somaliland.


Barnaamijkan ayaa noqonaya kii koowaad ee noociisa ah oo lagu qabto magaaladda Boorama, balse waxaa la doonayaa in goboladda dalkoo dhan la gaadhsiiyo sida qorshuhu yahay.

DAAWO: HADALADII KULANKAASI LAGA KEEDIYAY:

Hargeisa Press.com/Hargeisa Office.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Arimaha Diinta

Afsoomaaliga buugaagta ku qoran ma badna, inta qoranna dhanka samaha uma badna…..” Sh. Mustafe Xaji Ismacil

Afsoomaaliga buugaagta ku qoran ma badna, inta qoranna dhanka samaha uma badna…..” Sh. Mustafe Xaji Ismacil

Sheekh Almis Yaxye Oo Ku Baaqay in la sameeyo Jeegaan Diimeed..Daawo

Sheekh Almis Yaxye Oo Ku Baaqay Jeegaan Diimeed..Daawo

Sidee Loo Helaa Macaanka Cibaadada” Sheekh Maxamed Cumar Dirir.

Sidee Loo Helaa Macaanka Cibaadada" Sheekh Maxamed Cumar Dirir.

Tafsiir Gaagaaban || Casharka 189 aad || Al-Maa’ida 48-50… Soo Jeedinta Sh. Maxamed Sh. Cumar Dirir

Tafsiir Gaagaaban || Casharka 189 aad || Al-Maa'ida 48-50... Soo Jeedinta Sh. Maxamed Sh. Cumar Dirir

Sh. Mustafe X.Ismaaciil Haaruun Cudurada Qalbiga Ku dhaca (Al Qalbu Saliim)

Sh. Mustafe X.Ismaaciil Haaruun Cudurada Qalbiga Ku dhaca (Al Qalbu Saliim)