fbpx
Friday, March 29, 2024
HomeWararkaQaar Ka Mida Shaqaalaha W. Warfaafinta Oo Abaal-marino La Guddoonsiiyay

Qaar Ka Mida Shaqaalaha W. Warfaafinta Oo Abaal-marino La Guddoonsiiyay

    

Xubno ka tirsan wasaaradda shaqaalaha wasaaradda warfaafinta Somaliland ayaa maanta abaal-marino la guddoonsiiyay.
Shaqaalahaasi oo tiradoodu dhamayd 30 qof oo ka kala hawl gala waaxyaha wasaaradaasi ayaa lagu tilmaamay in ay yihiin kuwii shaqo wanaaga muujiyay sanadkii ina dhaafay ee 2020-ka.
Xaflad loo sameeyay abaal-marrinta shaqaalahaasi oo lagu qabtay xarunta wasaaradda warfaafinta waxaa ka soo qayb galay wasiir ku xigeenka wasaaradda warfaafinta.


Agaasimaha guud ee wasaaradaasi, guddoomiyaha haayadda shaqaalaha dawladda, guddoomiyaha haayadda maamul wanaaga iyo la dagaalanka musiq maasuqa.
Sidoo kale waxaa munaasibadaasi joogay agaasime waaxeedyadda wasaaradda warfaafinta Somaliland iyo shaqaalaha la abaal-marinayay.
Wasiir ku xigeenka wasaaradda warfaafinta Somaliland Cabdinaasir Cumar Jaamac, ayaa sheegay in ujeedada abaal marinta shaqaalahaasi ay ka mid tahay dhiirigelinta shaqaalaha iyo dardargelinta shaqada wasaaraddaasi qaranka.
Agaasimaha guud ee wasaaradda warfaafinta Somalilnd Maxamed Yuusuf Ismaaciil, ayaa bogaadiyay shaqaalahaas xagga shaqada ugu fiicnaa sannadkii 2020-ka.
Waxaanu sheegay in qiimaynta shaqaalahaasi ku timi fulinta nidaamka ay dhigtay hay’adda shaqaalaha dawlada Somaliland.
Agaasimuhu waxa uu tilmaamay in masuuliyiinta wasaaraddu ay soo xuleen laba agaasime waaxeed, hal madax qaybeed iyo mid ka mida isu duweyaasha wasaaradaas.
Waxaanu shaqaalaha ku dhiirigeliyay in ay shaqda qaranka u hayaan ay halkaas ka sii wadaan.

Geesta kale guddoomiyaha haayadda shaqaalaha dawlada Somaliland Farxaan Aadan Haybe, ayaa sheegay in shaqaalahaas xulidooda loo maray hab sax ah, oo waafaqsan nidaamka hay’adda shaqaalaha dawlada.


Waxaanu hambalyeeyay shaqaalahaas iyo masuuliyiinta wasaaradda warfaafinta.
Jaamac Cawil Nuux, agaasimaha waaxda shaqaalaha ee wasaaradda warfaafinta oo halkaasi ka hadlay ayaa sheegay in shaqaalahan iyo maduuliyiinta la abaal mariyay markii labaad oo loo sameeyay munaasibad noocan oo kale ah iyada oo abaalmarinta shaqaaluhuna ay sii soconayso.
Ugu dambayn waxa halkaas shahaadooyin iyo abaal marino lagu gudoonsiiyay soddonkii xubnood ee sannadkii 2020 lagu qiimeeyay inay xagga shaqada ugu wanaagsanaayeen.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Arimaha Diinta

Afsoomaaliga buugaagta ku qoran ma badna, inta qoranna dhanka samaha uma badna…..” Sh. Mustafe Xaji Ismacil

Afsoomaaliga buugaagta ku qoran ma badna, inta qoranna dhanka samaha uma badna…..” Sh. Mustafe Xaji Ismacil

Sheekh Almis Yaxye Oo Ku Baaqay in la sameeyo Jeegaan Diimeed..Daawo

Sheekh Almis Yaxye Oo Ku Baaqay Jeegaan Diimeed..Daawo

Sidee Loo Helaa Macaanka Cibaadada” Sheekh Maxamed Cumar Dirir.

Sidee Loo Helaa Macaanka Cibaadada" Sheekh Maxamed Cumar Dirir.

Tafsiir Gaagaaban || Casharka 189 aad || Al-Maa’ida 48-50… Soo Jeedinta Sh. Maxamed Sh. Cumar Dirir

Tafsiir Gaagaaban || Casharka 189 aad || Al-Maa'ida 48-50... Soo Jeedinta Sh. Maxamed Sh. Cumar Dirir

Sh. Mustafe X.Ismaaciil Haaruun Cudurada Qalbiga Ku dhaca (Al Qalbu Saliim)

Sh. Mustafe X.Ismaaciil Haaruun Cudurada Qalbiga Ku dhaca (Al Qalbu Saliim)