fbpx
Friday, March 29, 2024
HomeWararkaGuddoomiye Ku-Xigeenka 1aad Ee G. Wakiiladda Oo Ku Biiraya Xisbiga Waddani

Guddoomiye Ku-Xigeenka 1aad Ee G. Wakiiladda Oo Ku Biiraya Xisbiga Waddani

    

Guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee golaha Wakiiladda Somaliland ayaa shaaciyay inuu ku biirayo xisbiga mucaaradka ah ee Waddani.
Axmed-yaasiin Sheekh Cali Ayaanle, waxaanu sheegay in kadib markii uu la tashi fara badan sameeyay inuu go’aansaday inuu ku biirro xisbiga Waddani.
Xafladda soo dhawaynta ee ku biiritaanka Ayaanle ee Waddani ayaa la filayaa in ay Salaasadda berri ka qabsoonto magaaladda Hargaysa.
Axmed-yaasiin Sheekh Cali Ayaanle, waxa uu sidan ku sheegay qoraal uu xalay ku baahiyay baraha bulshadu ku xidhiidho ee Internet-ka.


“Aniga oo ah mud. Axmed Yaasiin Sh. Cali Ayaanle, guddoomiye ku-xigeenka 1aad ee golaha Wakiiladda Somaliland.
Waxaan halkan ku wargelinayaa dhamaan shacabi weynaha jamhuuriyada Somaliland, kadib markii aan la tashi badan sameeyay”.
“Waxa aan go’aansaday aniga iyo tageerayaasheyduba in aan ku biirno xisbi weynaha heer qaran ee Waddani.
Taasi oo bandhigeedu yahay maalinta Salasadda ee taariikhdu tahay 16-ka bishan February 2021” ayuu ku yidhi fariin uu caawa soo dhigay bogga uu ku leeyahay Facebook.
Geesta kale, munaasibadda ku biiritaanka Axmed-yaasiin Sheekh Cali Ayaanle, ee Waddani ayaa markii hore ku beegnayd Axadii shalay.


Hase yeeshee, xafladaasi ayaa baaqatay cilado farsamo oo jiray awgeed, sida uu ku sheegay isla qoraal uu shalay Facebook ku baahiyay Axmed-yaasiin Ayaanle.
Qoraalkaasi oo u muuqday mid loogu cudur daarayay sababta dib u dhaca keentay, isla markaana lagu wargelinayay taageereyaasha guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee golaha Wakiiladda.
Qoraalkaasina waxa uu u dhignaa sidan,
“Waxaan halkan idin kula wadaagaynaa dhamaan shacbi weynaha jamhuuriyada Somaliland gaar ahaan taageerayaasha Gud. Axmed Yasin Sh.Cali Ayaanle, in ay xafladii shaacinta ee musharaxnimo oo ay balanteenu ahayd maalinta bari ah ee Axada bisha Febuary 14-keeda ay dib ugu dhacday.
Maalinka Salaasada ee ah 16ka February, cilado farsamo oo jira awgeed”.
Dhinaca kale, Axmed-yaasin Ayaanle ayaa la filayaa inuu isla munaasibadaasi ka shaaciyo inuu yahay murashax mar kale u tartamaya dooraahadda golaha Wakiiladda ee inagu soo aadan.


Isagoona ka mid ahaa xildhibaanadii la doortay sanadkii 2005-tii, isla markaana ka soo baxay xisbigii UDUB.
Todobaad uun ka dib markii golaha la doortau oo uu geeriyooday xubin ka soo baxay xisbigii UDUB ee gobolka Awdal.
Taasoo dursad u siisay inuu ka mid noqdo golaha Wakiiladda ee weli fadhiya.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Arimaha Diinta

Afsoomaaliga buugaagta ku qoran ma badna, inta qoranna dhanka samaha uma badna…..” Sh. Mustafe Xaji Ismacil

Afsoomaaliga buugaagta ku qoran ma badna, inta qoranna dhanka samaha uma badna…..” Sh. Mustafe Xaji Ismacil

Sheekh Almis Yaxye Oo Ku Baaqay in la sameeyo Jeegaan Diimeed..Daawo

Sheekh Almis Yaxye Oo Ku Baaqay Jeegaan Diimeed..Daawo

Sidee Loo Helaa Macaanka Cibaadada” Sheekh Maxamed Cumar Dirir.

Sidee Loo Helaa Macaanka Cibaadada" Sheekh Maxamed Cumar Dirir.

Tafsiir Gaagaaban || Casharka 189 aad || Al-Maa’ida 48-50… Soo Jeedinta Sh. Maxamed Sh. Cumar Dirir

Tafsiir Gaagaaban || Casharka 189 aad || Al-Maa'ida 48-50... Soo Jeedinta Sh. Maxamed Sh. Cumar Dirir

Sh. Mustafe X.Ismaaciil Haaruun Cudurada Qalbiga Ku dhaca (Al Qalbu Saliim)

Sh. Mustafe X.Ismaaciil Haaruun Cudurada Qalbiga Ku dhaca (Al Qalbu Saliim)