fbpx
Friday, March 29, 2024
HomeWararka“Gaadhiga ka yimaadda Puntland ee la qabto Somaliland ayaa la wareegaysa

“Gaadhiga ka yimaadda Puntland ee la qabto Somaliland ayaa la wareegaysa

Home 
    

Wasaaradda deegaanka iyo horumarinta reer miyiga Somaliland ayaa maanta deegaamo ka tirsan degmadda Ceel-Afweyn ee gobolka Sanaag ka fulisay hawl-gallo lagu bur-burinayay Dhuxul fara badan oo la shidayay.

Hawl galkaasi waxaa hogaaminayay maamulaha wasaaradda deegaanka ee degmadda Ceel-Afweyn oo ay wehelinayeen xubno ka mida shaqaalaha wasaaradda ee degmadaasi.

Qaar ka mida waayeelka iyo waxgaradka degmadaasi, iyo ciidamadda booliska iyo milateriga ee degmadda Ceel-Afweyn.

Hawl-galkaasi oo lagula dagaalamayo Dhuxulaysiga ayay ka fuliyeen deegaamo balaadhan oo  ka tirsan degmadda Ceel-Afweyn ee gobolka Sanaag.

Deegaamadda hawl galkaasi laga fuliyay waxaa ka mid ahaa Xamilka, Dhadhin Yaxye, Beer Wayso, Bixin iyo deegaamo kaloo ka tirsan isla degmadda Ceel-Afweyn. Kuwaasoo dhamaantoodba hoos tagga am aka tirsan degmadda Ceel-Afweyn.

Waxaanay masuuliyiintaasi hawl galadaasi ku bur-buriyeen dhir aad u fara badan oo loo diyaarinayay in Dhuxul laga shiddo iyo sidoo kale Dhuxul laga shidayay meelahaasi.

Maamulaha wasaaradda deegaanka ee degmadda Ceel-Afweyn  C/raxmaan Xuseen Aadan, ayaa uga digay dadka Dhuxulaysatadda ah in haddii ay joojin waayaan gumaadka ay dhirta ku hayaan in ay sharciga la tiigsan doonaan.

 

Waxaanu yidhi, “Waxaanu samaynay hawl-gal saacado badan qaatay. Hawl-galkaasina joogsan maayo, wuu soconayaa. Waxaan u digaynaa dadka dhirta sidan xun u gumaaday, oo aanu magacyadoodana hayno, sharcigana aan la tiigsan doonno”.

Sidoo kale C/raxmaan Xuseen Aadan,  ayaa fariin u diray odayaasha iyo waxgaradka deegaamadda Higla-fuulaay, Ceeryaan, iyo Boodo-dheere, in ay Dhuxulaysiga ka joojiyaan dhalinyaradoodda iyo baabuurta ay wataan.

Isagoona xusay inay aad ugu faraxsan yihiin waayeelka iyo wxgaradka deegaamadii ay hawl-galka ka fuliyeen in ay kala qayb qaadanayeen bur-burinta dhirta faraha badan ee Dhuxusha laga shiday.

Waxaanu yidhi, “Waxaan uga digaynaa deegaamadda Higla-fuulaay, Ceeryaan, iyo Boodo-dheere, gaadiidka ka yimaadda, oo aanu naqaano, liiskoodana aanu hayno. Waxaanu leenahay waayeelka deegaamadaa ka soo jeedda qabsadda gaadiidkiina”.

“Maanta waxaa farxad noo ah, in ay nala socdaan waayeelkii iyo waxgaradkii deegaankan ka soo jeeday. Odayaasha iyo waxgaradka deegaamadda kalena waxaanu leenahay, hawl-galku wuu soconayaaye, idinkuna is diyaariya”.

Geesta kale Dhuxusha laga shiddo deegaamadda gobolka Sanaag  ee Somaliland waxaa inta badan loo iib geeyaa deegaamadda dhinaca maamulka Puntland.

Iyadoo laga dhoofiyo dekadda magaaladda Boosaaso, halkaasoo kadibna looga sii gudbiyo dhanka wadamadda khaliijka Carabta.

Maamulaha wasaaradda deegaanka Somaliland ee degmadda Ceel-Afweyn C/raxmaan Xuseen Aadan,  waxa uu baaq dheer u diray gaadiidlayda ka yimaadda dhinaca Puntland ee Dhuxusha qaadda.

Waxaanu sheegay in baabuurkii lagu qabto isagoo Dhuxul qaadaya in dawladda Somaliland ay kala wareegi doonto.

“Gawaadhida ka yimaadda xagga Puntland ee qaadda Dhuxusha, waxaan u sheegaynaa gaadhigii danbe ee lagu qabto, in sharciga lala tiigsan doono, oo aanu gaadhigaasi yeelan doonin ninka wataa. Iyadoo ay dawladu la wareegi doonto” ayuu yidhi C/raxmaan Xuseen Aadan.

Dhinaca kale, hawl-galadda noocan ah ee ay inta badan fuliyaan masuuliyiinta wasaaradda deegaanka ee goboladda dalka ayaanay marnaba dhicin in gacanta lagu soo dhigo dadkii Dhuxushaasi shidayay.

Iyadoo aanay jirin mudadda sanooyinka badan ah ee ay xukuumadda Somaliland waday la dagaalanka Dhuxulaysiga cid lagu soo qabtay iyagoo Faraha kula jira hawsha Dhuxulaysiga.

Arrintaasi oo lagu tilmaamo in ay sabab u tahay inuu jiro dad ku sugan magaalooyinka am aka tirsan haayadaha amaanka oo xidhiidh wada shaqayneed uu ka dhexeeyo dadka Dhuxulaysatadda ah.

Kuwaasoo marka ay ka war helaan dhaq-dhaqaaq muujinaya in lagu soo baxayo in ay ku wargeliyaan, sidaasina ay ku fakadaan Dhuxulaysatadii.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Arimaha Diinta

Afsoomaaliga buugaagta ku qoran ma badna, inta qoranna dhanka samaha uma badna…..” Sh. Mustafe Xaji Ismacil

Afsoomaaliga buugaagta ku qoran ma badna, inta qoranna dhanka samaha uma badna…..” Sh. Mustafe Xaji Ismacil

Sheekh Almis Yaxye Oo Ku Baaqay in la sameeyo Jeegaan Diimeed..Daawo

Sheekh Almis Yaxye Oo Ku Baaqay Jeegaan Diimeed..Daawo

Sidee Loo Helaa Macaanka Cibaadada” Sheekh Maxamed Cumar Dirir.

Sidee Loo Helaa Macaanka Cibaadada" Sheekh Maxamed Cumar Dirir.

Tafsiir Gaagaaban || Casharka 189 aad || Al-Maa’ida 48-50… Soo Jeedinta Sh. Maxamed Sh. Cumar Dirir

Tafsiir Gaagaaban || Casharka 189 aad || Al-Maa'ida 48-50... Soo Jeedinta Sh. Maxamed Sh. Cumar Dirir

Sh. Mustafe X.Ismaaciil Haaruun Cudurada Qalbiga Ku dhaca (Al Qalbu Saliim)

Sh. Mustafe X.Ismaaciil Haaruun Cudurada Qalbiga Ku dhaca (Al Qalbu Saliim)