fbpx
Saturday, September 23, 2023
HomeWararkaDiiwaangelinta Shaqaalaha D/Hoose Ee Hargaysa Oo La Daah-furay

Diiwaangelinta Shaqaalaha D/Hoose Ee Hargaysa Oo La Daah-furay

    

Munaasibadda daah-furka diwaangalinta shaqaalaha Dawlada Hoose ee Hargaysa ayaa maanta lagu qabtay  xarunta dawladda Hoose ee magaaladda Hargaysa.
Waxaana kasoo qayb galay wasiir ku xigeenka wasaaradda arrimaha gudaha, gudoomiyaha Hay’adda shaqaalaha dawladda.
Maayarka Caasimada, Maayar ku-xigeenka,Xog-hayaha dawladda hoose, gudiga Hay’adda shaqaalaha, Agaasimaha Waaxda arrimaha bulshadda iyo masuuliyiin kale.


Maayarka Hargaysa, Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid Sotelco, ayaa oo soo dhaweeyay in maanta si buuxda loo bilaabo diiwaan-gelinta shaqaalaha Dawladda Hoose ee Hargaysa, gaar ahaana derajadda ‘A’ iyo ‘B’.
Waxaanu tilmaamay in diiwaan-gelinta shaqaalahu ay ka soo bixi doonto shaqo-abuurka ballaadhan ee ay Dawladda hoose u hayso shacabka bulshada.
Agaasimaha Waaxda Maamulka goboladda iyo degmooyinka ee Wasaaradda arrimaha gudaha.
Maxamed Cali Maxamed, ayaa hay’adda shaqaalaha dawladda ku ammaanay hawshan.
Isagoona u jeediyay in guud ahaanba ay hay’addu gaadhsiiso degmooyinka kale ee dalka.


Guddoomiyaha hay’adda shaqaalaha dawladda Farxaan Aaddan Haybe oo isna halkaasi ka hadlay ayaa masuuliyiinta dawladda hoose uga mahad-naqay wada-shaqeyntii wanaagsanayd ee ay muujiyeen bilawgii hawsha iyo siday ugu heellanyihiin in la dhamaystiro oo ay si weyn u garab istaageen Hawl wadeenada Hay’adda Shaqaalaha Dawladda.
Gudoomiye Farxaan Aadan Haybe, ayaa sidoo kale sheegay in faa’iidooyinka laga dhaxli doono sugidda xogta shaqaalaha dawladaha hoose ay ka mid tahay, in la suggo xuquuqda shaqaale-nimo,tayaynta adeeg-bixinta ay dawladda hoose  bulshadda u hayso Iyo in kor loo qaado aqoonta iyo kobcinta xirfaddeed ee shaqaalaha dawlada hoose.


Geesta kale wasiir ku xigeenka Wasaraadda Arrimaha gudaha, Cabdinaasir Caydiid Maxamed, ayaa ku war-geliyay Maayaradda 23-ka degmo doorasho ee dalka oo dhan inay hawshan laga qaban doono inta lagu gudo jiro sannadkan 2021-ka, isla-markaasna ay muhiim tahay inay Maayaradda dalku si buuxda ugu diyaargaroobaan hawshaasi.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Arimaha Diinta

Afsoomaaliga buugaagta ku qoran ma badna, inta qoranna dhanka samaha uma badna…..” Sh. Mustafe Xaji Ismacil

Afsoomaaliga buugaagta ku qoran ma badna, inta qoranna dhanka samaha uma badna…..” Sh. Mustafe Xaji Ismacil

Sheekh Almis Yaxye Oo Ku Baaqay in la sameeyo Jeegaan Diimeed..Daawo

Sheekh Almis Yaxye Oo Ku Baaqay Jeegaan Diimeed..Daawo

Sidee Loo Helaa Macaanka Cibaadada” Sheekh Maxamed Cumar Dirir.

Sidee Loo Helaa Macaanka Cibaadada" Sheekh Maxamed Cumar Dirir.

Tafsiir Gaagaaban || Casharka 189 aad || Al-Maa’ida 48-50… Soo Jeedinta Sh. Maxamed Sh. Cumar Dirir

Tafsiir Gaagaaban || Casharka 189 aad || Al-Maa'ida 48-50... Soo Jeedinta Sh. Maxamed Sh. Cumar Dirir

Sh. Mustafe X.Ismaaciil Haaruun Cudurada Qalbiga Ku dhaca (Al Qalbu Saliim)

Sh. Mustafe X.Ismaaciil Haaruun Cudurada Qalbiga Ku dhaca (Al Qalbu Saliim)