fbpx
Thursday, November 30, 2023
HomeWararkaUjeedadda Kulan Laba Geesood Ah oo Dhexmaray Wasiirka Biyaha, Badhaasabada iyo Maayirada...

Ujeedadda Kulan Laba Geesood Ah oo Dhexmaray Wasiirka Biyaha, Badhaasabada iyo Maayirada Dalka

Kulanka Wasiirka Biyaha, Badhaasabada iyo Maayirada Dalka
Kulanka Wasiirka Biyaha, Badhaasabada iyo Maayirada Dalka
    

Wasiirka wasaaradda horumarinta khayraadka biyaha Somaliland Maxamed Muuse Diiriye ayaa maanta kulan la yeeshay badhasaabada iyo maayirada gobolada dalka.

Kulankan oo uu shirgudoominayey Wasiirka wasaaradda horumarinta khayraadka biyaha Maxamed Muuse Diiriye ayaa ka qabsoomay xarunta dhexe ee wasaaradda, taasi oo shirka lagu lafaguray Sidii badhasaabada iyo maayaradu uga qayb ahaan lahaayeen dedaalka wasaaradda ee qabsashada biyaha roobka kaasi oo loogu magac daray Gacmahaaga biyo kaga dharag.

Kulankan ayaa sidoo kale lagu falanqeeyey sidii wasaarada iyo gobolada dalku iska kaashan lahaayeen dedaalka biyo dhaamiska ee deegaano ka mid ah Somaliland oo biyo yaraan soo foodsaartay.

Agaasimaha guud ee wasaaradda Horumarinta biyaha Maxamed Xasan Dirir oo shir jaraa’id oo ay si wada jir ah u qabteen badhasaabada iyo wasaaraddu ka hadlay ayaa ka hadlay kulanka ay la yeesheen badhasaabada iyo maayarada dalka.

“Kulankan aanu la yeelanay badhasaabada iyo maayarada dalku waxa uu daaranaa sidii aanu iskaga kaashan lahayn laba qodob oo ah Hawlgalka ay wasaaraddu ugu magac dartay gacmahaaga biyo kaga dharag ee ka faaiidaysiga biyaha roobka iyo qodobka labaad oo ah iskaashiga biyo dhaamis loo sameeyo deegaano dalka ka mid ah oo biyo yaraan soo foodsaartay” ayuu yidhi agaasimaha guud ee wasaaradda horumarinta biyuhu.

Badhasaabka gobolka Maroodijeex Jaamac Xaaji Axmed oo afka badhaasabada ku hadlayey ayaa tilmaamay muhiimada ka faaiidaysiga biyaha roobka una diyaar yihiin inay bulshada ku baraarujiyaan.

Maayarka Magaalada Ceerigaabo Ismaaciil Xaaji Nuur oo afka Maayarada ku hadlayey ayaa tilmaamay inay soo dhaweynayaan una diyaar yihiin goboladooda inay ka gaadhsiiyaan ka faaiidaysiga biyaha roobka si looga gaashaanto biyo yaraanta bulshada soo wajahda.

   

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Arimaha Diinta

Afsoomaaliga buugaagta ku qoran ma badna, inta qoranna dhanka samaha uma badna…..” Sh. Mustafe Xaji Ismacil

Afsoomaaliga buugaagta ku qoran ma badna, inta qoranna dhanka samaha uma badna…..” Sh. Mustafe Xaji Ismacil

Sheekh Almis Yaxye Oo Ku Baaqay in la sameeyo Jeegaan Diimeed..Daawo

Sheekh Almis Yaxye Oo Ku Baaqay Jeegaan Diimeed..Daawo

Sidee Loo Helaa Macaanka Cibaadada” Sheekh Maxamed Cumar Dirir.

Sidee Loo Helaa Macaanka Cibaadada" Sheekh Maxamed Cumar Dirir.

Tafsiir Gaagaaban || Casharka 189 aad || Al-Maa’ida 48-50… Soo Jeedinta Sh. Maxamed Sh. Cumar Dirir

Tafsiir Gaagaaban || Casharka 189 aad || Al-Maa'ida 48-50... Soo Jeedinta Sh. Maxamed Sh. Cumar Dirir

Sh. Mustafe X.Ismaaciil Haaruun Cudurada Qalbiga Ku dhaca (Al Qalbu Saliim)

Sh. Mustafe X.Ismaaciil Haaruun Cudurada Qalbiga Ku dhaca (Al Qalbu Saliim)