Thursday, March 28, 2024
HomeWararkaMadaxweynaha Somaliland Oo Ka Qayb-galay Aas Qaran Oo Loo Sameeyey Marxuum Suldaan...

Madaxweynaha Somaliland Oo Ka Qayb-galay Aas Qaran Oo Loo Sameeyey Marxuum Suldaan Maxamed Suldaan Cabdiqaadir + SAWIRRO

    

Madaxweynaha Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa ka qaybgalay Aas qaran oo badhtamaha caasimadda Hargeysa loogu sameeyey suldaan Maxamed Suldaan Cabdiqaadir oo kamid ahaa salaadiinta faca weyn, kaas oo xalay ku geeriyooday magaalada Hargeysa.

Aaska qaran ee loo sameeyey marxuum Suldaan Maxamed Suldaan Cabdiqaadir oo ka dhacay xabaalo ku yaalla badhtamaha caasimadda Hargeysa oo ay hore ugu Aasnaayeen waalidiintiisii, ayaa waxa madaxweynaha kala qaybgalay badiba madax-dhaqameedka Jamhuuriyadda Somaliland, garaaddo iyo madax-dhaqameed ka socday dalalka deriska ah, hoggaanka axsaabta qaranka, siyaasiyiin, xildhibaanno, aqoonyahan, haldoor kala duwan iyo kumannaan kamid ah shacabka reer Somaliland, waxana si wada-jir ah loogu duceeyey suldaanka geeriyooday.

Madaxweynuhu waxa uu suldaanka geeriyooday Eebbe uga baryey inuu jannooyinkiisa ka waraabiyo, isaga oo sidoo kalena wiilkii curad ee marxuumka isla maantana loo caleemo saaray suldaannimona ugu duceeyey inuu hawsha suldaannimo u fududeeyo, “Ilaahay ha u naxariisto suldaan Maxamed Suldaan Cabdiqaadir, waxa kale oo aynnu maanta halkan uga ducaynaynaa inankiisii oo maanta isagana loo caleemo saaray suldaan, isagana Ilaahay ha barakeeyo,” ayuu yidhi madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.

Suldaan Maxamed Suldaan Cabdiqaadir, ayaa fiidkii hore ee xalay ku geeriyooday caasimadda Hargeysa, waxana uu hormuud u ahaa madaxda dhaqanka Jamhuuriyadda Somaliland, isaga oo xilka suldaannimona soo hayey muddo ku siman 45-sannadood.

     

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Arimaha Diinta

Afsoomaaliga buugaagta ku qoran ma badna, inta qoranna dhanka samaha uma badna…..” Sh. Mustafe Xaji Ismacil

Afsoomaaliga buugaagta ku qoran ma badna, inta qoranna dhanka samaha uma badna…..” Sh. Mustafe Xaji Ismacil

Sheekh Almis Yaxye Oo Ku Baaqay in la sameeyo Jeegaan Diimeed..Daawo

Sheekh Almis Yaxye Oo Ku Baaqay Jeegaan Diimeed..Daawo

Sidee Loo Helaa Macaanka Cibaadada” Sheekh Maxamed Cumar Dirir.

Sidee Loo Helaa Macaanka Cibaadada" Sheekh Maxamed Cumar Dirir.

Tafsiir Gaagaaban || Casharka 189 aad || Al-Maa’ida 48-50… Soo Jeedinta Sh. Maxamed Sh. Cumar Dirir

Tafsiir Gaagaaban || Casharka 189 aad || Al-Maa'ida 48-50... Soo Jeedinta Sh. Maxamed Sh. Cumar Dirir

Sh. Mustafe X.Ismaaciil Haaruun Cudurada Qalbiga Ku dhaca (Al Qalbu Saliim)

Sh. Mustafe X.Ismaaciil Haaruun Cudurada Qalbiga Ku dhaca (Al Qalbu Saliim)
Exit mobile version