Friday, March 29, 2024
HomeWararkaWasiirka Caafimaadka Somaliland Iyo Agaasimaah Wasaaradda Qorshaynta Qaranka Oo Waddo Ka Dhagax...

Wasiirka Caafimaadka Somaliland Iyo Agaasimaah Wasaaradda Qorshaynta Qaranka Oo Waddo Ka Dhagax Dhigay Degaanka Tuli Iyo Waddo Qaloocan Ee Gobolka Awdal

    Wasiirka wasaaradda horumarinta Caafimaadka Jamhuuriyadda Somaliland Md Cumar Cali Cabdilaahi iyo Agaasimaha guud ee wasaaradda Qorshaynta Qaranka Axmed Cabdi Ismaaciil ayaa si wada jir ah u dhagax dhigay jid laami ah oo isku xidhi doona degaanka Tuli iyo magaalo qalooc oo ka tirsan gobolka Awdal.

Ugu horeyn waxa munaasibadda dhagax dhiga ka hadlay Kornayl Maxamed Nuur Faahiye oo sheegay in degaankaasi yahay ugu beeraha badan Somaliland, waxaanu tilmaamay in dhulkaasi u baahan yahay maalgashi iyo wadooyin loo maro.

Waxa isna halkaas ka hadlay badhasaab ku xigeenka gobolka Awdal Cawaale Faarax Cilmi ayaa sheegay in ay waqtigan dhagax dhigi doonaan dhismaha wadadan oo dhismaheeda la bilaabi doono.

Wasiirka wasaaradda Horumarinta caafimaadka Somaliland Md Cumar Cali Cabdilaahi oo goobtaas ka hadlay ayaa ka warbixiyey ahmiyadda ay wadadaasi u lee dahay degaanka, waxaanu tilmaamay in wadadani isku xidhi doonto degaankaas iyo magaaladda Borame, sidoo kalena ay isku xidhi doonto degaankaas iyo wadada Koridoorka ee Somaliland iyo Ethiopia isku xidhi doona, isaga oo cadeeyey in ay sidoo kale wadadani muhiimad weyn u yeelan doonto wax soo saarka beeraha degaankaasi.

Waxa uu sidoo kale sheegay Wasiir Md Cumar Cali Cabdilaahi  in ay sidoo kale wax weyn ka tari doonto dhinaca caafimaadka oo ay dadku si fudud goobaha caafimaadka u gaadhi doonaan,kooxaha caafimaadkuna degaankaas si fudud u gaadhi doonaan.

Dhinaca kalena Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka Somaliland ayaa magaaladda Borame kaga qayb galay aas qaran oo loogu sameeyey magaalada Borame Marxuum Xaaji Muxumed Jaamac Xadi (Jar Iska Xoor) oo kamid ahaa waayeelka iyo wax garadka gobolka Awdal.

Waxa sidoo kale aaska Marxuumka kasoo qayb galay masuuliyiin hore xilal uga soo qabtay dalka, oday dhaqameed, culimo awdiin, dhalinyaro iyo bulsho tiro badan oo ka tirsan bulsho weynta magaaladda Borame, waxaanay masuuliyiintii kasoo qayb galay marxuumka Ilaahay uga baryeen in u naxariisto , Janooyinkiisana ka waraabiyo.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Arimaha Diinta

Afsoomaaliga buugaagta ku qoran ma badna, inta qoranna dhanka samaha uma badna…..” Sh. Mustafe Xaji Ismacil

Afsoomaaliga buugaagta ku qoran ma badna, inta qoranna dhanka samaha uma badna…..” Sh. Mustafe Xaji Ismacil

Sheekh Almis Yaxye Oo Ku Baaqay in la sameeyo Jeegaan Diimeed..Daawo

Sheekh Almis Yaxye Oo Ku Baaqay Jeegaan Diimeed..Daawo

Sidee Loo Helaa Macaanka Cibaadada” Sheekh Maxamed Cumar Dirir.

Sidee Loo Helaa Macaanka Cibaadada" Sheekh Maxamed Cumar Dirir.

Tafsiir Gaagaaban || Casharka 189 aad || Al-Maa’ida 48-50… Soo Jeedinta Sh. Maxamed Sh. Cumar Dirir

Tafsiir Gaagaaban || Casharka 189 aad || Al-Maa'ida 48-50... Soo Jeedinta Sh. Maxamed Sh. Cumar Dirir

Sh. Mustafe X.Ismaaciil Haaruun Cudurada Qalbiga Ku dhaca (Al Qalbu Saliim)

Sh. Mustafe X.Ismaaciil Haaruun Cudurada Qalbiga Ku dhaca (Al Qalbu Saliim)
Exit mobile version