fbpx
Thursday, November 30, 2023
HomeWararkaKoomiishanka Doorashooyinka Qaranka Somaliland Oo Sheegay In Horusocod Laga Sameeyey U Diyaar...

Koomiishanka Doorashooyinka Qaranka Somaliland Oo Sheegay In Horusocod Laga Sameeyey U Diyaar Garowga Doorashooyinka La Filaayo Inay Dalka Ka Dhacaan.

    

Komishanka Doorashooyinka Jamhuuriyadda Somaliland ayaa soo dhaweeyey qaraarkii Madaxweynaha JSL, Mudane Muuse Biixi Cabdi uu ugu cayimay Doorashooyinka Golaha Wakiillada iyo Goleyaasha Deegaanku inay dalka ka qabsoomaan 31ka May 2021, taasi oo ay ku sifeeyeen inay xaqiijinayso sida ay Somaliland uga go’an tahay taabogelinta Hanaanka Dimuqraadiyaddu.

Shabakadda Wararka ee HargeisaPres, ayaa turjuntay Warmurtiyeed Komishanka Doorashooyinku soo saaray, oo ay ku sheegeen in horusocodka laga sameeyey u diyaar garowga doorashooyinka ay ammaanteeda leeyihiin saddexda xisbi qaran oo meel iska dhigay farqigii siyaasadeed ee u dhexeeyey,islamarkaana go’aansaday inay Doorashooyinku ka hirgalaan Somaliland.

Komishanka Doorashooyinku waxa ay ku diirsadeen baaqii wadajirka ahaa ee beesha caalamku ku taageertay gedi-socodka doorashooyinka Somaliland. Waxaanay Guddida doorashooyinku intaas ku dareen inay diwaangelintii codbixiyeyaasha ay dhammaystireen muddadii u dhexaysay 29 November 2020 illaa 13kii January ee 2021, qorshahaas oo ku meelmaray dedaalka aan kala go’a lahayn ee Komishanka Doorashooyinka Qaranka, waxana ay caddeeyeen in diwaangelinta codbixiyeyaashu ay meesha ka saarayso ciddii isku dayda inay ku noqdoqdaan codbixinta.

Komishanka Doorashooyinka Qaranku waxa ay xaqiijiyeen in Codbixiyeyaashii la diiwaangeliyey kaadhadhkooda loo qaybin doono horaanta Bisha March ee sannadkan.

Guddida Doorashooyinka Qaranku waxa ay iftiimiyeen in Midowga Yurub, Sweden iyo Ingiriisku ay taageero dhaqaale iyo mid farsamo ay ka geysteen diiwaangelintii codbixiyeyaasha. Waxa kaloo ay sheegeen in taageero kale oo dhaqaale oo beesha caalamku ay kaga qaybqaadanayso hawsha doorashooyinka la filayo, taasi oo qayb ka ah taageeradii muddada dheer ay beesha caalamku la garab joogtay dimuqraadiyadda JSL.

Ugu dambeyn, waxa Komishanka Doorashooyinku soo jeediyeen in arrimaha doorashooyinka looga shaqeeyo si wada jir ahi ay dhabaha u xaadhayso in doorashooyinku ugu qabsoomaan qaab Xor ah oo si buuxda u daahfuran.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Arimaha Diinta

Afsoomaaliga buugaagta ku qoran ma badna, inta qoranna dhanka samaha uma badna…..” Sh. Mustafe Xaji Ismacil

Afsoomaaliga buugaagta ku qoran ma badna, inta qoranna dhanka samaha uma badna…..” Sh. Mustafe Xaji Ismacil

Sheekh Almis Yaxye Oo Ku Baaqay in la sameeyo Jeegaan Diimeed..Daawo

Sheekh Almis Yaxye Oo Ku Baaqay Jeegaan Diimeed..Daawo

Sidee Loo Helaa Macaanka Cibaadada” Sheekh Maxamed Cumar Dirir.

Sidee Loo Helaa Macaanka Cibaadada" Sheekh Maxamed Cumar Dirir.

Tafsiir Gaagaaban || Casharka 189 aad || Al-Maa’ida 48-50… Soo Jeedinta Sh. Maxamed Sh. Cumar Dirir

Tafsiir Gaagaaban || Casharka 189 aad || Al-Maa'ida 48-50... Soo Jeedinta Sh. Maxamed Sh. Cumar Dirir

Sh. Mustafe X.Ismaaciil Haaruun Cudurada Qalbiga Ku dhaca (Al Qalbu Saliim)

Sh. Mustafe X.Ismaaciil Haaruun Cudurada Qalbiga Ku dhaca (Al Qalbu Saliim)