fbpx
Saturday, April 20, 2024
HomeWararkaGuddoomiyaha Hay’adda Shaqaalaha Dawladda Somaliland Oo Fariin U Diray Xubnaha Shaqaalaha Dawladda...

Guddoomiyaha Hay’adda Shaqaalaha Dawladda Somaliland Oo Fariin U Diray Xubnaha Shaqaalaha Dawladda Ka Tirsan Ee Sharaxan

Guddoomiyaha Hay’adda Shaqaalaha Dowladda Somaliland Md. Farxaan Aadan Haybe
    

Guddoomiyaha Hay’adda Shaqaalaha dawladda Somaliland Md Farxaan Aadan Haybe ayaa ku wargeliyey dhammaan shaqaalaha dawladda Somaliland ee doonaaya in ay u tartamaan doorashooyinka Goleyaasha degaanka iyo Wakiiladda Somaliland in ay warqadda is casilaadda usoo gudbiyaan Hay’adda Shaqaalaha dawladda Somaliland.

Guddoomiye Farxaan Aadan Haybe waxa uu sheegay in Hay’adda Shaqaalaha dawladda Somaliland ay ku wargelinayso dhammaan Shaqaalaha wasaaraddaha iyo Hay’addaha dawladda ee goboladda kala duwan ee dalka, Tuulooyinka iyo degmooyinkaba in aanay xubno firfircoon ka noqon xisbiyadda Siyaasadda Somaliland , sida uu dhigaayo xeerka shaqaalaha dawladda ee Somaliland.

Waxa uu sidoo kale Guddoomiye Farxaan Aadan Haybe ku wargeliyey cid kasta oo ka tirsan shaqaalaha dawladda Somaliland oo isu soo sharaxday doorashooyinka Goleyaasha degaanka iyo wakiiladda Somaliland ee degmooyinka iyo goboladda dalka in ay bisha dhammaadkeeda oo ah 90 cisho ka hor waqtiga doorashada iska casilaan xubbinnimada ay ka ahaayeen shaqaalaha dawladda, iyaga oo is casilaadooda usoo gudbinaaya Hay’adda shaqaalaha dawladda iyo wasaaradda ama Hay’adda ay ka tirsanaayeen.

Guddoomiyaha Hay’adda Shaqaalaha Dawladda Somaliland waxa uu sheegay in ciddii talaabadas raaci weyda ay waajibaad sharci ka gudan doonto Hay’adda Shaqaalaha dawladdu,waxa uu sidoo kale tilmaamay in Agaasimeyaasha Guud iyo Xoghayeyaasha dawladdaha hoose ay iyaguna sidaas oo kale waajib ku tahay inay iska casilaan xilalka ay hayaan mudadaas loo cayimay ee 90-ka cisho ah ka hor.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Arimaha Diinta

Ma doonaysaa inaan Saddaqo ku Darsato Masaajid?

Magaalada Kassel ee Dalka Germany oo ay Deganyihiin qiyaastii Somalida ugu badan Dalkani waxaa ka socda Khayr fara-badan oo mudan in lagala Qayb qaato. Gudida...

Afsoomaaliga buugaagta ku qoran ma badna, inta qoranna dhanka samaha uma badna…..” Sh. Mustafe Xaji Ismacil

Afsoomaaliga buugaagta ku qoran ma badna, inta qoranna dhanka samaha uma badna…..” Sh. Mustafe Xaji Ismacil

Sheekh Almis Yaxye Oo Ku Baaqay in la sameeyo Jeegaan Diimeed..Daawo

Sheekh Almis Yaxye Oo Ku Baaqay Jeegaan Diimeed..Daawo

Sidee Loo Helaa Macaanka Cibaadada” Sheekh Maxamed Cumar Dirir.

Sidee Loo Helaa Macaanka Cibaadada" Sheekh Maxamed Cumar Dirir.

Tafsiir Gaagaaban || Casharka 189 aad || Al-Maa’ida 48-50… Soo Jeedinta Sh. Maxamed Sh. Cumar Dirir

Tafsiir Gaagaaban || Casharka 189 aad || Al-Maa'ida 48-50... Soo Jeedinta Sh. Maxamed Sh. Cumar Dirir