fbpx
Thursday, October 5, 2023
HomeWararkaBeesha Caalamka Oo War Kasoo Saartay Doorashooyinka Somaliland Ee Lafilayo Inay Qabsoomaan...

Beesha Caalamka Oo War Kasoo Saartay Doorashooyinka Somaliland Ee Lafilayo Inay Qabsoomaan 31/05/2021

Dowladaha dunida ee taageera hannaanka dimuquraadiyadda iyo doorashooyinka Somaliland, ayaa ka hadlay doorka ay farsamo ahaan iyo dhaqaale ahaan ka qaadanayaan doorashooyinka golayaasha deegaanka iyo wakiillada oo lagu wado inay 31-ka May 2021-ka ka qabsoonto Somaliland.

Dowladda Ingiriiska iyo Dalalka kale ee Somaliland ka taageera doorashooyinka, ayaa sheegay in ay taageero dhaqaale iyo mid farsamo ku caawin doonaan Guddiga doorashooyinka Somaliland. Halka uu Madaxweynaha Muuse Biixi shalay sheegay inay doorashadani noqon doonto tii ugu horreysay ee ay Somaliland ku keliyeysato farsamo ahaan iyo dhaqaale ahaanba.

War-Saxafadeed wada-jir ah oo ay soo saareen Dowladaha Sweden, Norway, Maraykanka, Germany iyo UK oo ay maanta baahisay Wasaaradda arrimaha dibedda Britain, ayaa lagu boggaadiyay hannaanka ay u socdaan doorashooyinka Somaliland ee Wakiillada iyo Deegaanka iyo sidii ay ku soo dhammaatay diiwaangelintii codbixiyaasha oo dib loo diiwaangeliyey dadkii aan is-diiwaan gelin lix sano ka hor iyo intii gadaal ka gaadhay wakhtiga xeerku u oggolyahay inay kaadhka codbixinta ku qaataan iyo sixitaanka kuwii hore wax uga qaldameen 2016-kii.

Dalalkan, ayaa sidoo kale ugu baaqay saddexda Xisbi ee Somaliland in la ilaaliyo heshiiskii ay hore Xisbiyadu uga gaadheen Qoondada Kuraasta Haweenka iyo Beelaha la hayb-sooco ee Somaliland.

Bayaankan, ayaa ku soo beegmaya, isaga oo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Muuse Biixi Isniintii shalay mar uu la hadlayey Maayerrada iyo Guddoomiyeyaasha gobollada dalka sheegay in ay Somaliland iska bixinayso oo ay keli ku tahay dhaqaalaha iyo farsamada doorashooyinka la mataaneeyey ee wakiillada iyo deegaanka.

HALKAN KAGA BOGO WARKAN OO FAAH FAAHSAN;

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Arimaha Diinta

Afsoomaaliga buugaagta ku qoran ma badna, inta qoranna dhanka samaha uma badna…..” Sh. Mustafe Xaji Ismacil

Afsoomaaliga buugaagta ku qoran ma badna, inta qoranna dhanka samaha uma badna…..” Sh. Mustafe Xaji Ismacil

Sheekh Almis Yaxye Oo Ku Baaqay in la sameeyo Jeegaan Diimeed..Daawo

Sheekh Almis Yaxye Oo Ku Baaqay Jeegaan Diimeed..Daawo

Sidee Loo Helaa Macaanka Cibaadada” Sheekh Maxamed Cumar Dirir.

Sidee Loo Helaa Macaanka Cibaadada" Sheekh Maxamed Cumar Dirir.

Tafsiir Gaagaaban || Casharka 189 aad || Al-Maa’ida 48-50… Soo Jeedinta Sh. Maxamed Sh. Cumar Dirir

Tafsiir Gaagaaban || Casharka 189 aad || Al-Maa'ida 48-50... Soo Jeedinta Sh. Maxamed Sh. Cumar Dirir

Sh. Mustafe X.Ismaaciil Haaruun Cudurada Qalbiga Ku dhaca (Al Qalbu Saliim)

Sh. Mustafe X.Ismaaciil Haaruun Cudurada Qalbiga Ku dhaca (Al Qalbu Saliim)