fbpx
Saturday, April 20, 2024
HomeWararkaMuqdisho: Dawladda Federaalka Oo Sharci Darro Ku Tilmaantay Go’aankii Mucaaradka

Muqdisho: Dawladda Federaalka Oo Sharci Darro Ku Tilmaantay Go’aankii Mucaaradka

    

Dawladda federaalka Soomaaliya ayaa ka jawaabtay hadallo ka soo yeedhay xubnaha mucaraadka oo sheegay in aanay Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, u aqoonsanayn madaxwaynaha Soomaaliya.

Musharaxiinta mucaaradka ah iyo qaar kamid ah dawlad goboleedyada Soomaaliya ayaa sheegay in mar haddii uu dhamaaday muddo xileedkii xukuumadda federaalka ah aanay aqoonsanayn sharciyadda madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Afhayeenka xukuumadda Soomaaliya, Maxamed Ibraahim Macallimu, oo arrintaasi ka hadlay ayaa sharci darro ku tilmaamay hadallada ka soo yeedhay xubnaha mucaaradka.

Macallimu, waxa uu tilmaamay in uu jiro qaraar iyo xeer ay horre u soo saareen golaha shacabka, kaasi oo dhigaya in haayadaha dastuuriga ay xilka sii haynayaan illaa kuwa kale laga soo doorto.

Waxaanu yidhi, “Marka hore soo jeedinta xubnaha mucaaradka ma aha mid sharci ku qotonta, sababta oo ah waxaa la og yahay in qaraar baarlamaan uu jiro oo horre baarlamaanka hadda jooga ee 10-aad ay u ansixiyeen labadiisa aqal.

Taasoo ah in baarlamaanka hadda jooga waxa bedalaya oo keli ah baarlamaan la soo doortay , haayadaha kale ee dastuuriga ee madaxda ay ka mid tahay waa la mid”.

Maxamed Macallimu, maanta u waramay BBC ayaa farta ku fiiqay in illaa laga helayo madaxwayne iyo baarlamaan la soo doortay madaxda joogta ay xilka sii hayn doonaan.

“Inta madaxwayne laga dooranayo ama inta baarlamaan cusub laga dooranayo, waxaa shaqaynaya baarlamaanka hadda jira”.

Geesta kale afhayeenka xukuumadda Soomaaliya, Maxamed Ibraahim Macallimu, ayaa  sheegay in dawladda ay diyaar u tahay wadahadallo lagu xalinayo ismari-waaga siyaasadeed ee taagan.

Waxaanu yidhi, “Wixii kale ee wadahadal ah dowladda diyaar ayay u tahay inay wadahadal la gasho cid waliba, tanaasulaad badan oo is xig-xiga ayay madaxdu sameysay, Soomaalida waxay dhahdaa xujo ma falantee xaajo ayaa falanta, marka meeshaas xaajo ma oolin laakiin had iyo jeer dowladdu diyaar ayay u tahay”.

Macallimu, ayaa ka digay in shacabka khal-khal iyo cabsi lagu abuuro. “Waxaan rajeynaynaa in wax waliba dhammaan doonaan, laakiin cabsida iyo qalqalka shacabka lagu abuurayo ma aha mid meesha taalla” ayuu yidhi Macalimu.

Dhinaca kale waxaa jira dedaallo ay beesha caalamka waddo kuwaasi oo lagu doonayo in wadaxaajoodyada doorashada dib loo furo.

Muddo xileedka Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa dhammaaday, isla markaana ma jiro heshiis siyaasadeed oo illaa iyo iminka laga gaaray oo arrimaha doorashada.

Arrintan ayaa waxaa walaac ka muujiyay wadamada taageera Soomaaliya iyo waliba shacabka Soomaliyeed.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Arimaha Diinta

Ma doonaysaa inaan Saddaqo ku Darsato Masaajid?

Magaalada Kassel ee Dalka Germany oo ay Deganyihiin qiyaastii Somalida ugu badan Dalkani waxaa ka socda Khayr fara-badan oo mudan in lagala Qayb qaato. Gudida...

Afsoomaaliga buugaagta ku qoran ma badna, inta qoranna dhanka samaha uma badna…..” Sh. Mustafe Xaji Ismacil

Afsoomaaliga buugaagta ku qoran ma badna, inta qoranna dhanka samaha uma badna…..” Sh. Mustafe Xaji Ismacil

Sheekh Almis Yaxye Oo Ku Baaqay in la sameeyo Jeegaan Diimeed..Daawo

Sheekh Almis Yaxye Oo Ku Baaqay Jeegaan Diimeed..Daawo

Sidee Loo Helaa Macaanka Cibaadada” Sheekh Maxamed Cumar Dirir.

Sidee Loo Helaa Macaanka Cibaadada" Sheekh Maxamed Cumar Dirir.

Tafsiir Gaagaaban || Casharka 189 aad || Al-Maa’ida 48-50… Soo Jeedinta Sh. Maxamed Sh. Cumar Dirir

Tafsiir Gaagaaban || Casharka 189 aad || Al-Maa'ida 48-50... Soo Jeedinta Sh. Maxamed Sh. Cumar Dirir