fbpx
Thursday, November 30, 2023
HomeWararkaDawladda Sucuudiga Oo Soo Celisay Xoolo Somaliland Uga Dhoofay

Dawladda Sucuudiga Oo Soo Celisay Xoolo Somaliland Uga Dhoofay

    

Dawladda Sucuudi Carabiya ayaa la sheegay in ay  Somaliland dib ugu soo celisay markab sida Xoolo ka badan 17000, Kun oo nee foo Adhi ah.

Xoolahan oo todobaadkii hore ka dhoofay dekedda magaalada Berbera ee Somaliland isla-markaana gaadhay dalka Sucuudiga, ayaa dib loo soo celiyey.

Waxaanu Marka sida xoolahaasi  ku soo jeedaa dhinaca  Somaliland gaar ahaana dekedda Berbera, iyadoo la filayo inuu maalmaha soo socda ku soo xidho.

Sidaana waxa sheegay Xuseen Jaamac Maxamed (Xuseen Dhuluh), oo ka mid ah ganacsada  xoolaha dhoofisa oo shalay felefiishanka Horn Cable kula hadlay magaaladda Burco.

“Sida aad ogtihiin waxa Sucuudiga ka soo socda Markab rarran oo buuxa. Kaasi oo ka baxay Berbera toddobaadkan.

Markabkaasi wuxuu ku soo beegan yahay Somaliland oo Abaar ah, oo aan roobkii Dayrtu  ka di’in, xoolahaasi waxay u baahan yihiin Biyo macaan iyo xanaano” ayuu yidhi Xuseen Dhuluh.

Ganacsade Xuseen Jaamac, ayaa ugu baaqay xukuumadda Somaliland in ay xoolahaasi aadka u faraha badan u diyaariso wixii Calaf iyo biyo ah ee ay u baahan yihiin.

Waxaanu yidhi, “Markaa xukuumadda Somaliland waxaanu leenahay, Markabkaa ha loo gurmado,  sidii xoolahaa loo bedbaadin lahaa. Waana in ay xukuumadu u diyaariso Baad iyo biyoba xoolahaasi aadka u faraha badan”.

Geesta kale ma jiro ilaa hadda wax war ah oo  ay xukuumadda Somaliland ka soo saartay xoolahaasi aadka u badan ee laga soo celiyay dalka Sucuudiga, oo la xidhiidha sababta uu Sucuudigu xoolahan u soo celiyay.

Sidoo kale dawladda Sucuudiga ayaan cadaynin sababta keentay in ay xoolahani aadka u badan dib ugu soo celiyaan Somaliland iyo sidoo kale inuu jiro wax Cudur ama xanuun ah oo ay qabaan xoolahaasi.

Dhinaca kale arrintani ayaa dhibaato iyo saamayn xun ku keenaysa ganacsatadda xoolaha nool dhoofiya ee reer Somaliland iyo sidoo kale dadka xoolo dhaqatadda reer baadiyaha ah oo noloshoodu ku tiirsan tahay xoolaha nool.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Arimaha Diinta

Afsoomaaliga buugaagta ku qoran ma badna, inta qoranna dhanka samaha uma badna…..” Sh. Mustafe Xaji Ismacil

Afsoomaaliga buugaagta ku qoran ma badna, inta qoranna dhanka samaha uma badna…..” Sh. Mustafe Xaji Ismacil

Sheekh Almis Yaxye Oo Ku Baaqay in la sameeyo Jeegaan Diimeed..Daawo

Sheekh Almis Yaxye Oo Ku Baaqay Jeegaan Diimeed..Daawo

Sidee Loo Helaa Macaanka Cibaadada” Sheekh Maxamed Cumar Dirir.

Sidee Loo Helaa Macaanka Cibaadada" Sheekh Maxamed Cumar Dirir.

Tafsiir Gaagaaban || Casharka 189 aad || Al-Maa’ida 48-50… Soo Jeedinta Sh. Maxamed Sh. Cumar Dirir

Tafsiir Gaagaaban || Casharka 189 aad || Al-Maa'ida 48-50... Soo Jeedinta Sh. Maxamed Sh. Cumar Dirir

Sh. Mustafe X.Ismaaciil Haaruun Cudurada Qalbiga Ku dhaca (Al Qalbu Saliim)

Sh. Mustafe X.Ismaaciil Haaruun Cudurada Qalbiga Ku dhaca (Al Qalbu Saliim)