fbpx
Friday, March 29, 2024
HomeWararkaCabdulqawi: Garsoorihii Maxkamadda ICJ Oo Xilka Laga Qaaday

Cabdulqawi: Garsoorihii Maxkamadda ICJ Oo Xilka Laga Qaaday

    Maxkamadda caalamiga ah ee cadaaladda ee ICJ ayaa loo doortay gudoomiye iyo gudoomiya ku xigeen cusub.

Gudoomiyaha maxkamada ayaa waxaa loo doortay garosoore Joan E. Donoghue oo u dhalatay dalka Mareykanka, halka ku xigeenkeeda loo doortay garsoore Kirill Gevorgian oo u dhashay dalka Ruushka.

Garsoore Joan E. Donoghue ayaa xubin ka ahayd maxkamadda ICJ tan iyo bishii September 2010-kii, halka garsoore Kirill Gevorgian uu maxkamadda ku soo biiray sanaddii 2005.

Garsoorahan caanka ah ee Soomaaliyeed, Cabdulqawi Axmed Yuusuf, ayaa horey u ahaa madaxwaynha maxkamada ICJ , balse iminka markii uu mudda xileedkiisa dhameystay ayaa la badalay.

Cabdulqawi Axmed Yuusuf, ayaa weli xubin ka sii ahaan doona garsoorayaasha maxkamadda ICJ.

Cabdulqawi ayaa xilka madaxwaynaha maxkamadda ICJ hayay tan sanaddii 2018.

Cabdulqawi ayaa horey waxaa uu la taliye dhanka sharciga ah uga soo noqday qaar ka mid ah hay’adaha Qaramada Midoobey.

Waxaa uu horrey wax ugu soo bartay dalka Soomaaliya, halkaasi oo sidoo kale bare jaamacadeed ka noqday jaamacaddii umadda.

Cabdulqawi iyo Kiiska badda.

Garsoore Cabdulqawi Waxaa uu sidoo kale ka mid yahay garsoorayaasah qaadaya kiiska badda ee u dhaxeeya Soomaaliya iyo Kenya.

Mar ay BBC wax ka waydiisay in qaadidda kiiskaas ay saameyn ku yeelanayso maadaama ay dhalashadiisa Soomaali tahay ayuu sheegay in ay aysan isku xirneyn dhalashada qof iyo shaqadiisa garsoorka.

“Ma aha in haddii xaakimka wadankiisa uu dacwad keeno in uu dacwadaasi ka baxo, laakiin dhalasha ahaan iyo xaakimnimadaada way kala duwan yihiin ,” ayuu yidhi.

Mr Cabdulqawi ayaa sheegay in shaqada garsoora iyo dhalshada aysan shaqo isku lahayn.

“Dhalashada xaakimka iyo xaakimka ka qeyb galkiisa dacwooyiinka shaqo iskuma laha ,” ayuu yidhi.

Waxaa uu garsooraha intaa ku daray in shaqada garsooraha ay tahay in kiiska la horkeenay uu si caddaalad ah uu go’aan uga gaaro islamarkana go’aanak uu yahay mid ay gaaraan garsoorayaal kala duwan.

“Xaakimada maxkamadda waxaa loo doortaa in dacwooyiinka maxkamadda hor yimaadda oo dhan meel kastaba aduunyada ha ka yimaadaan ay xukun iyo go’aan ka gaaraan kuligeed 15 xubnood-ba ,” ayuu yiri Mr Cabdulqawi

Maxkamadda ICJ

Maxakamadda caalamiga ah ee cadaaladda ayaa waxaa la asaasay sanaddii 1945-tii.

Maxkamada ayaa waxaa uu fadhigeedu yahay magaalada The Hague ee dalka (Netherlands), halkaasi oo ay kiisaska ku dhageysato.

Garoorayaasha maxkamadda caalamiga ah ee cadaaladda ee ICJ ayaa ka kooban 15 garsoore oo 9 sanaba mar la dorto.

Luuqadaha rasmiga ah ee ay maxkamdda ku hadasho ama ay kiisaska ku qaado ayaa ah luuqadda ingiriiska iyo Fraansiiska.

 

 

Xigasho: BBC Somali.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Arimaha Diinta

Afsoomaaliga buugaagta ku qoran ma badna, inta qoranna dhanka samaha uma badna…..” Sh. Mustafe Xaji Ismacil

Afsoomaaliga buugaagta ku qoran ma badna, inta qoranna dhanka samaha uma badna…..” Sh. Mustafe Xaji Ismacil

Sheekh Almis Yaxye Oo Ku Baaqay in la sameeyo Jeegaan Diimeed..Daawo

Sheekh Almis Yaxye Oo Ku Baaqay Jeegaan Diimeed..Daawo

Sidee Loo Helaa Macaanka Cibaadada” Sheekh Maxamed Cumar Dirir.

Sidee Loo Helaa Macaanka Cibaadada" Sheekh Maxamed Cumar Dirir.

Tafsiir Gaagaaban || Casharka 189 aad || Al-Maa’ida 48-50… Soo Jeedinta Sh. Maxamed Sh. Cumar Dirir

Tafsiir Gaagaaban || Casharka 189 aad || Al-Maa'ida 48-50... Soo Jeedinta Sh. Maxamed Sh. Cumar Dirir

Sh. Mustafe X.Ismaaciil Haaruun Cudurada Qalbiga Ku dhaca (Al Qalbu Saliim)

Sh. Mustafe X.Ismaaciil Haaruun Cudurada Qalbiga Ku dhaca (Al Qalbu Saliim)