Friday, March 29, 2024
HomeWararkaXassan Sheekh oo Farmaajo Ku Eedeeyay Inuu Mugdi Geliyay Mustaqbalka Soomaaliya

Xassan Sheekh oo Farmaajo Ku Eedeeyay Inuu Mugdi Geliyay Mustaqbalka Soomaaliya

Xasan Sheekh iyo Farmaajo
Xasan Sheekh iyo Farmaajo
    

Xasan Sheekh Maxamuud, Madaxweynihii hore ee Soomaaliya ayaa eedaymo kulul u jeediyay Farmaajo, isagoona ku eedeeyey inuu Soomaaliya galiyey xaalad hubanti la’aan ah oo mugdi sii gelin karta rajada ummadda Soomaaliya.

Xasan Sheekh ayaa sidoo kale ka hadlay xaaladda siyaasadeed ee Soomaaliya, marxladda kala guurka ah ee la galay iyo arrimaha doorashooyinka ee 2021-ka.

“Waa xaqiiqo aan la jecleyn in madaxweynaha xilkiisu dhammaaday uu Soomaaliya geliyay xaalad hubanti la’aan ah oo mugdi gelin karta mustaqbalka Soomaaliya,” ayuu yidhi Xasan Sheekh Maxamuud.

Sidoo kale, wuxuu musharrax madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud intaasi kusii daray in Soomaaliya ay leedahay shacab iyo haldooro bad-baadin karo Soomaaliya iyo dadkaba.

“Soomaaliya waxay leedahay shacab & haldoor ka samata bixin kara xaaladaha adag. Waxaan ku baaqayaa xasillooni & aragtiwadaag,” ayuu  sii raaciyey Xasan Sheekh.

Hadalka Xasan Sheekh ayaa kusoo beegmaya, iyada oo lagu heshiin waayey doorashada Soomaaliya, sidoo kalena Farmaajo ay ka dhammaantay muddada xil-heynta.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Arimaha Diinta

Afsoomaaliga buugaagta ku qoran ma badna, inta qoranna dhanka samaha uma badna…..” Sh. Mustafe Xaji Ismacil

Afsoomaaliga buugaagta ku qoran ma badna, inta qoranna dhanka samaha uma badna…..” Sh. Mustafe Xaji Ismacil

Sheekh Almis Yaxye Oo Ku Baaqay in la sameeyo Jeegaan Diimeed..Daawo

Sheekh Almis Yaxye Oo Ku Baaqay Jeegaan Diimeed..Daawo

Sidee Loo Helaa Macaanka Cibaadada” Sheekh Maxamed Cumar Dirir.

Sidee Loo Helaa Macaanka Cibaadada" Sheekh Maxamed Cumar Dirir.

Tafsiir Gaagaaban || Casharka 189 aad || Al-Maa’ida 48-50… Soo Jeedinta Sh. Maxamed Sh. Cumar Dirir

Tafsiir Gaagaaban || Casharka 189 aad || Al-Maa'ida 48-50... Soo Jeedinta Sh. Maxamed Sh. Cumar Dirir

Sh. Mustafe X.Ismaaciil Haaruun Cudurada Qalbiga Ku dhaca (Al Qalbu Saliim)

Sh. Mustafe X.Ismaaciil Haaruun Cudurada Qalbiga Ku dhaca (Al Qalbu Saliim)
Exit mobile version