fbpx
Friday, March 29, 2024
HomeWararkaTartanka Ciyaaraha Goboladda DDS Itoobiya Oo Jig-jiga Ka Furmaya

Tartanka Ciyaaraha Goboladda DDS Itoobiya Oo Jig-jiga Ka Furmaya

    

Tartanka ciyaaraha Kubbadda cagta ee goboladda iyo degmooyinka dawlad deegaanka Soomaalida Itoobiya oo berri ka furmaya magaaladda Jig-jiga.
Tartankaasi oo noqonaya kii sideedaad ayaa la filayaa inuu si rasmiya u furi foono madaxweynaha dawlad deegaanka Soomaalida Itoobiya.
Furitaanka tartankaasi waxaa ka qayb gelaya wefti ka socda Somaliland oo uu hogaaminayo wasiirka dhalinyaradda iyo ciyaaraha Boos Mirre Maxamed.


Iyadoo ay wasiir Boos socdaalkaasi ku wehelinayaan masuuliyiin ka tirsan wasaaradda dhalinyaradda iyo ciyaaraha Somaliland.
Weftiga Somaliland ka socda oo maanta u kicitimay dhinaca magaaladda Jig-jiga waxaa magaallo xuduudeedka Tog-Wajaale ku soo dhaweeyay masuuliyiin uu hogaaminayay wasiir ku xigeenka dhalinyarada iyo ciyaaraha DDS Itooboya iyo masuuliyiin kale.
Weftiga ka socday Somaliland iyo kuwa soo dhaweeyay ee ka socday DDS Itoobiya oo warbaahinta kula hadlay Wajaale ayaa ka warbixiyay tartankaasi.


Wasiirka ciyaaraha Somaliland Boos Mirre Maxamed, waxa uu sheegay in Somaliland iyo DDD Itoobiya uu ka dhexeeyo xidhiidh dhinaca is dhex galka dhalinyaradda ah.
Waxaanu yidhi, “Waxaanu u soconaa is dhex galka dhalinyaradda mandaqadan ku nool, oo aanu beryahanba wadnay, ee Somaliland iyo ismaamulka Soomaalida Itoobiya.
“Hore na way noogu yimaadeen,
Sidaad noogu timaadeen, sideedii baanu idiinku nimid” ayuu yidhi wasiir Boos.
Geesta kale wasiir ku xigeenka dhalinyarada iyo ciyaaraha dawlad deegaanka Soomaalida Itoobiya Axmed Cismaan Liiddo, ayaa isna sheegay in Somaliland iyo DDS Itoobiya uu ka dhexeeyo heshiis ah in labada dhinac ay ka wada shaqeeyaan is dhex galka dhalinyarada iyo ciyaaraha.


“Xidhiidh baa hore nooga dhexeeyay, in aan is dhex galka dhalinyarada ka shaqayno.
Iyadoo labada madaxweyne ay hore uga wada hadleen, arrinta is dhex galka dhalinyaradda.
Markaa is dhex galkaasi waxa ugu weynaa, waxa uu ahaa dhinaca ciyaaraha iyo dhinaca dhalinyaradda in laga wada shaqeeyo” ayuu yidhi Axmed Cismaan Liiddo.
Waxa kaloo uu xusay Liido, in ay dhawaan bilaabi doonaan ciyaarahaasi is dhex galka dhalinyaradu.
Waxaanu yidhi, “Waxaan rejaynayaa in sidii ay noogu yimaadeen anaguna aanu ugu tagnay aanay ku is taagine, dhawaan in ay bilaabmaan ciyaaruhu”.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Arimaha Diinta

Afsoomaaliga buugaagta ku qoran ma badna, inta qoranna dhanka samaha uma badna…..” Sh. Mustafe Xaji Ismacil

Afsoomaaliga buugaagta ku qoran ma badna, inta qoranna dhanka samaha uma badna…..” Sh. Mustafe Xaji Ismacil

Sheekh Almis Yaxye Oo Ku Baaqay in la sameeyo Jeegaan Diimeed..Daawo

Sheekh Almis Yaxye Oo Ku Baaqay Jeegaan Diimeed..Daawo

Sidee Loo Helaa Macaanka Cibaadada” Sheekh Maxamed Cumar Dirir.

Sidee Loo Helaa Macaanka Cibaadada" Sheekh Maxamed Cumar Dirir.

Tafsiir Gaagaaban || Casharka 189 aad || Al-Maa’ida 48-50… Soo Jeedinta Sh. Maxamed Sh. Cumar Dirir

Tafsiir Gaagaaban || Casharka 189 aad || Al-Maa'ida 48-50... Soo Jeedinta Sh. Maxamed Sh. Cumar Dirir

Sh. Mustafe X.Ismaaciil Haaruun Cudurada Qalbiga Ku dhaca (Al Qalbu Saliim)

Sh. Mustafe X.Ismaaciil Haaruun Cudurada Qalbiga Ku dhaca (Al Qalbu Saliim)