Friday, March 29, 2024
HomeWararkaQaramada Midoobay oo Ka Walaacsan In Dambiyo Culus Lagu Galay Gobolka Tigray

Qaramada Midoobay oo Ka Walaacsan In Dambiyo Culus Lagu Galay Gobolka Tigray

Mas’uul sare oo ka tirsan Qaramada Midoobay ayaa ka digtay in ay jirto suurtagalnimo heer sare ah oo ku aaddan in xadgudubyo bani’aadannimo iyo dambiyo lagu geystay gobolka Tigray, haddii dowladda Itoobiya ayna qaadin tallaabooyin deg deg ahna ay xaaladdu kasii dari karto.

Alice Weirimu, oo ah la taliye gaar ah oo qaabilsan xasuuqyada ka dhaca meelaha maamulkooda la afgambiyo, ayaa sheegtay in ay soo baxayeen warar sheegaya in tacaddiyo ka dhan ah xuquuqda aadanaha lala xidhiidhinayo dagaalka Tigray.

“Kama hadleyno oo kaliya gobolka Tigray. Inkastoo wali uu dagaal ka socdo gobolka, waxaan helnay warbixinno ku saabsan xadgudubyo bani’aadan oo ka dhacay meelo kale,” ayay tidhi.

“Dambiyada noocaas ah ma dhacaan hal habeen gidihiis. Waxaa jira arrimo badan oo sababaya; Waxaa kale oo la eegayaa sida ay u dhacayaan. Waxa aan dowladda Itoobiya ka dooneyno in ay hadda sameyso waa in ay soo celiso sharciga iyo kala dambeynta, sidoo kalena xaqiijiso in la sameeyo baadhitaanno madax bannaan.”

La taliyaha khaaska ah ayaa sheegtay in dambiyadii ugu darnaa ee ay la kulantay ay ka mid ahaayeen, kufsi, dhac, burburin hanti dadweyne, meel ka dhac iyo dilal.

Todobaadkii la soo dhaafay, xog hayaha gud ee Qaramada Midoobay, Antonio Guterres, ayaa dowladda Itoobiya ugu baaqay in ay gacan ka geysato gurmadka loo fidinayo dadka u baahan gargaarka bani’aadannimo.

Wuxuu sidoo kale sheegay in 4.5 milyan oo ruux ay u baahan yihiin caawinaad deg deg ah, kaddib dagaalkii ka dhacay gobolka Tigray

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Arimaha Diinta

Afsoomaaliga buugaagta ku qoran ma badna, inta qoranna dhanka samaha uma badna…..” Sh. Mustafe Xaji Ismacil

Afsoomaaliga buugaagta ku qoran ma badna, inta qoranna dhanka samaha uma badna…..” Sh. Mustafe Xaji Ismacil

Sheekh Almis Yaxye Oo Ku Baaqay in la sameeyo Jeegaan Diimeed..Daawo

Sheekh Almis Yaxye Oo Ku Baaqay Jeegaan Diimeed..Daawo

Sidee Loo Helaa Macaanka Cibaadada” Sheekh Maxamed Cumar Dirir.

Sidee Loo Helaa Macaanka Cibaadada" Sheekh Maxamed Cumar Dirir.

Tafsiir Gaagaaban || Casharka 189 aad || Al-Maa’ida 48-50… Soo Jeedinta Sh. Maxamed Sh. Cumar Dirir

Tafsiir Gaagaaban || Casharka 189 aad || Al-Maa'ida 48-50... Soo Jeedinta Sh. Maxamed Sh. Cumar Dirir

Sh. Mustafe X.Ismaaciil Haaruun Cudurada Qalbiga Ku dhaca (Al Qalbu Saliim)

Sh. Mustafe X.Ismaaciil Haaruun Cudurada Qalbiga Ku dhaca (Al Qalbu Saliim)
Exit mobile version