Friday, April 19, 2024
HomeWararkaIsku Duwaha W. Caafimaadka Sool Oo Xadhiga Ka Jaray MCH Laga Hirgeliyay...

Isku Duwaha W. Caafimaadka Sool Oo Xadhiga Ka Jaray MCH Laga Hirgeliyay Deegaanka DAN

    

Isu duwaha wasaaradda caafimaadka Somaliland ee gobolka Sool Dr. Maxamuud Xaaji Khaliif, ayaa maanta xadhiga ka jaray xarun caafimaad oo laga hirgeliyay deegaanka Dan oo ka tirsan degmadda Boocame.

Xadhig ka jarista MCH-kaasi waxaa isku duwaha caafimaadka Sool ku wehelinayay maayarka degmadda Boocame Faarax Cali.

Xaruntan caafimaad ee uu isku duwuhu xadhiga ka jaray waxaa qaab isku tashi ah ku dhistay dadka deegaanka Dan.


Waxaanu iskuduwaha caafimaadka ee gobolka Sool Dr. Maxamuud Khaliif, isla maantaba xaruntaasi gaadhsiiyay qalab caafimaad, Sarriiraha bukaanka loogu tallo galay iyo daawooyin.

Isagoona xusay in ay ka wasaarad caafimaad ahaan in masuuliyad iyo waajib ka saaran yahay sidii ay xaruntaasi u noqon lahayd mid shaqaysa.

Iyadoo la horumarinayo adeegyadda iyo shaqaalaha ka hawl gelaya xaruntaasi caafimaad.

Sidoo kale Dr. Khaliif, waxa uu balan qaaday in wixii daawo iyo qalab ah ee ka dhiman xaruntaasi ay si dhakhso ah ugu soo dhamaystirayaan.

Geesta kale, iskuduwaha wasaaradda caafimaadka ee Sool Dr. Maxamuud Xaaji Khaliif, ayaa bulshadda deegaanka Dan ku bogaadiyay isku tashiga ay la yimaadeen ee ay ku dhisteen MCH-kaasi.

Geesta kale maayarka degmadda Boocame Faarax Cali Ibraahim, ayaa isna ku amaanay bulshadda deegaanka Dan isku tashigoodda ay ku dhisteen xaruntan caafimaad.

Dhinaca kale, odayaasha, waxgarad iyo bulshadda deegaanka Dan ayaa soo dhaweeyay furitaanka xaruntan caafimaad.

Iyagoona sheegay in ay baahi weyn u qabeen helitaankeedda, isla markaana markii hore ay dhibaato ku qabeen sidii dadka bukoodda adeeg caafimaad loogu heli lahaa.

DAAWO: Hadaladii Masuuliyiinta iyo Bulshadda Deegaanka Dan:

 

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Arimaha Diinta

Ma doonaysaa inaan Saddaqo ku Darsato Masaajid?

Magaalada Kassel ee Dalka Germany oo ay Deganyihiin qiyaastii Somalida ugu badan Dalkani waxaa ka socda Khayr fara-badan oo mudan in lagala Qayb qaato. Gudida...

Afsoomaaliga buugaagta ku qoran ma badna, inta qoranna dhanka samaha uma badna…..” Sh. Mustafe Xaji Ismacil

Afsoomaaliga buugaagta ku qoran ma badna, inta qoranna dhanka samaha uma badna…..” Sh. Mustafe Xaji Ismacil

Sheekh Almis Yaxye Oo Ku Baaqay in la sameeyo Jeegaan Diimeed..Daawo

Sheekh Almis Yaxye Oo Ku Baaqay Jeegaan Diimeed..Daawo

Sidee Loo Helaa Macaanka Cibaadada” Sheekh Maxamed Cumar Dirir.

Sidee Loo Helaa Macaanka Cibaadada" Sheekh Maxamed Cumar Dirir.

Tafsiir Gaagaaban || Casharka 189 aad || Al-Maa’ida 48-50… Soo Jeedinta Sh. Maxamed Sh. Cumar Dirir

Tafsiir Gaagaaban || Casharka 189 aad || Al-Maa'ida 48-50... Soo Jeedinta Sh. Maxamed Sh. Cumar Dirir
Exit mobile version