Tuesday, April 16, 2024
HomeWararkaWasiirka Deegaanka Somaliland Oo Kulan La Yeelatay Masuuliyiinta Haayadda CCF

Wasiirka Deegaanka Somaliland Oo Kulan La Yeelatay Masuuliyiinta Haayadda CCF

    Wasiirka wasaaradda deegaanka iyo horumarinta reer miyiga Somaliland Shukri Xaaji Ismaaciil Baandare, ayaa kulan la yeelatay masuuliyiin ka socday haayadda Cheatah Conservation Fun.

Kulankaasi oo ka qabsoomay xarunta wasaaradda deegaanka ee magaaladda Hargaysa waxaa wasiirka ku wehelinayay agaasimaha guud ee wasaaradaasi iyo xubno ka mida agaasime-waaxeedyadda wasaaradaasi.

Haayadda caalamiga ah ee CCF ayaa ka mida haayadaha wasaaradda deegaanka Somaliland kala shaqeeya arrimaha ilaalinta iyo daryeelka duur joogta gaar ahaana Harimacadka.

“Waxaa maanta (Khamiistii) wasaaradda deegaanka iyo horumarinta reer miyiga Somaliland lagu qabtay shir shir lala yeeshay haayadda Cheatah Conservation Fun.

Haayadaasi oo wasaaradda deegaanka kala shaqaysa duur joogta, gaar ahaana Harimacadka.

Kulankaasi ayay ka soo qayb galeen wasiirka wasaaradda deegaanka iyo horumarinta Shukri Xaaji Ismaaciil baandare,  agaasimaha guud ee wasaaradaasi iyo qaar ka mida agaasime-waaxeedyadda wasaaradaasi”.

Geesta kulankaasi ayay labadda dhinac kaga wada hadleen sidii loo dar-dar gelin lahaa hirgelinta xarun loogu tallo galay xanaanaynta duur joogta oo dhismaheedu ka socdo deegaanka Geed-Deeble ee woqooyiga Hargaysa.

“Waxaana kulankaasi lagaga wada hadlay sidii wasaaradda deegaanka Somaliland iyo haayadda CCF oo wasaaradda kala shaqaysa arrimaha ilaalinta duur joogta ay dar-dar gelin lahaayeen xarunta daryeelka duur joogta ee Geed-Deeble, oo uu dhismaheedu socdo.

Kulankaasi ayaa ku soo dhamaaday is faham iyo in labadda dhinac ay sii xoojiyaan wada shaqayntoodda” ayaa lagu yidhi war laga soo saaray kulanka dhexmaray masuuliyiinta wasaaradda deegaanka Somaliland iyo haayadda CCF.

Dhinaca kale haayadda CCF ayaa wasaaradda deegaanka Somaliland kala shaqaysa duur joogta ku jirta xeradda deegaanka Debis oo ka tirsan gobolka Maroodijeex.  Halkaasoo ay ku jiraan dhawr iyo todobaatan Harimacad oo lagu xanaaneeyo.

 

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Arimaha Diinta

Ma doonaysaa inaan Saddaqo ku Darsato Masaajid?

Magaalada Kassel ee Dalka Germany oo ay Deganyihiin qiyaastii Somalida ugu badan Dalkani waxaa ka socda Khayr fara-badan oo mudan in lagala Qayb qaato. Gudida...

Afsoomaaliga buugaagta ku qoran ma badna, inta qoranna dhanka samaha uma badna…..” Sh. Mustafe Xaji Ismacil

Afsoomaaliga buugaagta ku qoran ma badna, inta qoranna dhanka samaha uma badna…..” Sh. Mustafe Xaji Ismacil

Sheekh Almis Yaxye Oo Ku Baaqay in la sameeyo Jeegaan Diimeed..Daawo

Sheekh Almis Yaxye Oo Ku Baaqay Jeegaan Diimeed..Daawo

Sidee Loo Helaa Macaanka Cibaadada” Sheekh Maxamed Cumar Dirir.

Sidee Loo Helaa Macaanka Cibaadada" Sheekh Maxamed Cumar Dirir.

Tafsiir Gaagaaban || Casharka 189 aad || Al-Maa’ida 48-50… Soo Jeedinta Sh. Maxamed Sh. Cumar Dirir

Tafsiir Gaagaaban || Casharka 189 aad || Al-Maa'ida 48-50... Soo Jeedinta Sh. Maxamed Sh. Cumar Dirir
Exit mobile version