fbpx
Thursday, March 28, 2024
HomeWararkaKal-fadhigii 74aad Ee Golaha Guurtida Somaliland Oo Furmay

Kal-fadhigii 74aad Ee Golaha Guurtida Somaliland Oo Furmay

    Kal-fadhigii 47aad ee golaha Guurtidda Somaliland ayaa maanta si rasmiya u furmay, ka dib markii ay ka soo noqdeen fasaxii dastuuriga ahaa ee ay ku jireen.

Fadhigan oo uu shir gudoominayey guddoominayey guddoomiye ku xigeenka koobaad ee golaha guurtida Jamhuuriyadda Somaliland  Siciid Jaamac Cali, ayaa mudaneyaasha warbixin ka siiyay waxyaabihii u qabsoomay golahaas muddadii u dhaxeysay labada kalfadhi.

Waxaanu sheegay in dhinacyada nabadgalyada iyo siyaasadda hawlo badan laga qabtay, isaga oo xusay diwaangelintii dalka ka qabsoontay iyo talaabooyinkii la qaaday sidii ay doorashooyinku guud ahaan dalka uga qabsoomi lahaayeen.

Siciid Jaamac Cali, ayaa xusay in doorashooyinka sannadkan dalka ka qabsoomayaa ay kaga duwan yihii doorashooyinkii hore in gobolka Sool iyo Sanaag bari ay sannadkan ka qabsoomayso.

Taasoo uu tilmaamay in ay muujinayso nabadgalyada taamka ah ee dalka oo dhan.

Gebogebadii guddomiye Siciid Jaamac Cali, waxa uu mudaneyaasha golahaas u soo jeediyey in ay doorkooda ka qaataan wacyigelinta bulshada ee arrimaha doorashooyinka iyo adkaynta nabageliyadda.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Arimaha Diinta

Afsoomaaliga buugaagta ku qoran ma badna, inta qoranna dhanka samaha uma badna…..” Sh. Mustafe Xaji Ismacil

Afsoomaaliga buugaagta ku qoran ma badna, inta qoranna dhanka samaha uma badna…..” Sh. Mustafe Xaji Ismacil

Sheekh Almis Yaxye Oo Ku Baaqay in la sameeyo Jeegaan Diimeed..Daawo

Sheekh Almis Yaxye Oo Ku Baaqay Jeegaan Diimeed..Daawo

Sidee Loo Helaa Macaanka Cibaadada” Sheekh Maxamed Cumar Dirir.

Sidee Loo Helaa Macaanka Cibaadada" Sheekh Maxamed Cumar Dirir.

Tafsiir Gaagaaban || Casharka 189 aad || Al-Maa’ida 48-50… Soo Jeedinta Sh. Maxamed Sh. Cumar Dirir

Tafsiir Gaagaaban || Casharka 189 aad || Al-Maa'ida 48-50... Soo Jeedinta Sh. Maxamed Sh. Cumar Dirir

Sh. Mustafe X.Ismaaciil Haaruun Cudurada Qalbiga Ku dhaca (Al Qalbu Saliim)

Sh. Mustafe X.Ismaaciil Haaruun Cudurada Qalbiga Ku dhaca (Al Qalbu Saliim)