fbpx
Saturday, April 20, 2024
HomeWararkaXannuunka Dengue oo Ka Dillaacay Deegaanka Soomaalida Itoobiya

Xannuunka Dengue oo Ka Dillaacay Deegaanka Soomaalida Itoobiya

Xannuunka Dengue
Xannuunka Dengue
    

Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee WHO ayaa sheegtay in xannuunka Dengue ee caanka ku ah qandhada uu ka dillaacay qaybo ka mid ah gobolka Soomaalida ee Itoobiya.

Ilaa iyo 207 xaaldood oo looga shakiyay inuu xannuunkaasi yahay ayaa ilaa iyo hadda laga soo weriyay gobollada Dolo iyo Liibaan.

WHO waxay sheegtay in la sameynaya baadhitaanno dheeraad ah oo lagu xaqiijinaya jiritaanka cudurka, waxyan intaasi ku dartay in baadhitaannadaasi lagu sameynaya shaybaadh ku yaalla Hawassa.

Deegaannaadaasi ayuu isla xannuunkan Dengue hore uga dillaacay sannadihii 2017 iyo 2018.

“Nafaqa yaraanta bulshada oo ka dhalatay abaaraha daba dheeraaday iyo barakaca ayaa sabab u ah kiisaska kordhay ee xannuunkan Dengue ee degmooyinkaasi”, ayaa lagu yidhi warsaxaafadeed ay soo saartay WHO.

Hay’adda ayaa hoosta ka xariiqday baahida deg deg ah ee loo qaba in la buufiyo kaneecada oo gudbisa xannuunkaasi.

“Waxaan ku baaqeyna in dowladda ay si waddo doorkeeda hoggaamineed iyo tallaabooyinka lagu hubinaya fayadhowrka caafimaadka dadweynaha si loo joojiyo faafitaanka xumadda Dengue”, ayuu yidhi Dr Boureima Hama Sambo oo ah madaxa WHO ee Itoobiya.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Arimaha Diinta

Ma doonaysaa inaan Saddaqo ku Darsato Masaajid?

Magaalada Kassel ee Dalka Germany oo ay Deganyihiin qiyaastii Somalida ugu badan Dalkani waxaa ka socda Khayr fara-badan oo mudan in lagala Qayb qaato. Gudida...

Afsoomaaliga buugaagta ku qoran ma badna, inta qoranna dhanka samaha uma badna…..” Sh. Mustafe Xaji Ismacil

Afsoomaaliga buugaagta ku qoran ma badna, inta qoranna dhanka samaha uma badna…..” Sh. Mustafe Xaji Ismacil

Sheekh Almis Yaxye Oo Ku Baaqay in la sameeyo Jeegaan Diimeed..Daawo

Sheekh Almis Yaxye Oo Ku Baaqay Jeegaan Diimeed..Daawo

Sidee Loo Helaa Macaanka Cibaadada” Sheekh Maxamed Cumar Dirir.

Sidee Loo Helaa Macaanka Cibaadada" Sheekh Maxamed Cumar Dirir.

Tafsiir Gaagaaban || Casharka 189 aad || Al-Maa’ida 48-50… Soo Jeedinta Sh. Maxamed Sh. Cumar Dirir

Tafsiir Gaagaaban || Casharka 189 aad || Al-Maa'ida 48-50... Soo Jeedinta Sh. Maxamed Sh. Cumar Dirir