Thursday, April 18, 2024
HomeWararkaXildhibaan Ka Tirsanaa Baarlamanka Somaliland oo Geeriyooday

Xildhibaan Ka Tirsanaa Baarlamanka Somaliland oo Geeriyooday

Xildhibaan Bulqaas
Xildhibaan Bulqaas
    

Ale ha u naxariistee waxaa maanta dalka Turkiga ku geeriyooday Xildhibaan Maxamed Cismaan Bulqaas oo ka tirsanaa Golaha Wakiiladda Somaliland.

Xildhibaan Bulqaas ayaa dalka Turkiga loogu qaaday xaalad Caafimaad, isagoona maanta u geeriyooday xanuunkaasi la soo dersay.

Dhinaca kale, Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa ka hadlay geerida Xildhibaan Maxamed Cismaan Bulqaas.

Madaxweynaha ayaana eheladii,qaraabadii iyo Qaranka Somalilandba ka tacsiyadeeyey geerida ku timid Marxuum Xildhibaan Maxamed Cismaan Bulqaas oo ka tirsanaa Golaha Wakiiladda Somaliland.

Qoraal Tacsi ah oo kasoo baxay Madaxtooyadda Somaliland, soona gaadhey Warbaahinta Hargeisapress ayaa u dhignaa sidan:-

“Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, isagoo ku hadlaya magaciisa, ka dawladda iyo ka shacbiga Jamhuuriyadda Somaliland, waxa uu dhambaal tacsi ah u dirayaa, labada gole ee wakiilada iyo guurtida, gaar ahaan golaha wakiilada, waayeelka, waxgaradka, aqoonyahanka, qoyska, ehelada, qaraabada, asxaabta, iyo shacbiga Somaliland, ee uu ka baxay Alle ha u naxariistee Marxuum Xildhibaan Maxamed Cismaan Bulqaas oo ku geeriyooday maanta oo ay taariikhdu tahay 04/02/2021 Dalka Turkiga oo uu xaalad caafimaad ugu maqnaa.

Waxaanu madaxweynuhu marxuumka ku sifeeyey xildhibaan ka baxay qaranka Somaliland iyo shacbigiisa, door muhiimana ka soo qaatay dedaaladii kala danbeeyey ee dalku soo maray.

Waxaanu Madaxweynuhu marxuumka ALLE uga baryayaa inuu naxariistii janno ka waraabiyo, labada gole ee wakiilada iyo guurtida, gaar ahaan golaha wakiilada, waxgaradka, waayeelka, aqoonyahanka, qoyska, ehelada, qaraabada, asxaabta iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxayna samir iyo iimaan saadiqa ka siiyo.” ayaa lagu yidhi qoraalka ka soo baxay xafiiska Madaxweynaha Somaliland

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Arimaha Diinta

Ma doonaysaa inaan Saddaqo ku Darsato Masaajid?

Magaalada Kassel ee Dalka Germany oo ay Deganyihiin qiyaastii Somalida ugu badan Dalkani waxaa ka socda Khayr fara-badan oo mudan in lagala Qayb qaato. Gudida...

Afsoomaaliga buugaagta ku qoran ma badna, inta qoranna dhanka samaha uma badna…..” Sh. Mustafe Xaji Ismacil

Afsoomaaliga buugaagta ku qoran ma badna, inta qoranna dhanka samaha uma badna…..” Sh. Mustafe Xaji Ismacil

Sheekh Almis Yaxye Oo Ku Baaqay in la sameeyo Jeegaan Diimeed..Daawo

Sheekh Almis Yaxye Oo Ku Baaqay Jeegaan Diimeed..Daawo

Sidee Loo Helaa Macaanka Cibaadada” Sheekh Maxamed Cumar Dirir.

Sidee Loo Helaa Macaanka Cibaadada" Sheekh Maxamed Cumar Dirir.

Tafsiir Gaagaaban || Casharka 189 aad || Al-Maa’ida 48-50… Soo Jeedinta Sh. Maxamed Sh. Cumar Dirir

Tafsiir Gaagaaban || Casharka 189 aad || Al-Maa'ida 48-50... Soo Jeedinta Sh. Maxamed Sh. Cumar Dirir
Exit mobile version