fbpx
Wednesday, June 7, 2023
HomeWararkaSafiirka Itoobiya U Fadhiya Suudaan Oo Ku Hanjabay In Itoobiya Ay Xoog...

Safiirka Itoobiya U Fadhiya Suudaan Oo Ku Hanjabay In Itoobiya Ay Xoog Ciidan Kula Soo Noqon Doonto Dhul Xuduudka Ku Yaala Oo Ay Ciidamada Suudaan Dhawaan Ka Qabsadeen Beeralay Hubaysan Oo Amxaaro Ah

Safiirka dawladda Itoobiya u fadhiya dalka Suudaan Yibeltal Aemro ayaa shalay ku hanjabay in Itoobiya ay xoog ciidan kula soo noqon doonto dhul beereed ku yaala xadka u dhaxeeya Suudaan iyo Itoobiya oo ay ciidamada Suudaan dhawaan gacanta ku dhigeen kadib marki ay ka caydhiyeen beeralay hubaysan oo Amxaara ah.

Safiir Yibeltal Aemro waxa uu dalka Suudaan ku eedeeyey inuu kusoo duulay dalka Itoobiya oo uu soo gaadhsiiyey khasaare dhaqaale oo lagu qiyaasi karo 25 milyan oo Doolar taas oo ay Suudaan kaga jawaabtay in laga soo bilaabo 1995 ay ciidamada Itoobiya iyo maleeshiyadda Amxaaradu ay Suudaan soo gaadhsiiyeen khasaare lagu qiyaasi karo 11 bilyan oo Doolar isla markaana aanu Suudaan hunguri ka haynin dhulka Itoobiya hal mitirna ha noqotee.

Safiirka Itoobiya oo arintan ka hadlayaa waxa uu yidhi “Suudaan waxay ku kacday khalad taariikhi ah waanay ka shanlayndoontaa”.Masuuliinta Suudaan ayaa hadalka safiirka ku tilmaamay mid ka baxsan curfiga diblomaasiyadda.

Dhul beereedkan oo ku yaala deegaan la yidhaahdo Alfashqa waxa uu teedsanyahay xadka u dhaxeeya labada dal waxaana 25kii sanadood ee u dambeeyey beeran jiray dad kasoo jeeda gobolka Amxaarada ee Itoobiya hasayeeshe waxa dib u qabsaday ciidamada Suudaan kadib markii u qarxay dagaalkii gobolka Tigray horaanti bishi November 202

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Arimaha Diinta

Afsoomaaliga buugaagta ku qoran ma badna, inta qoranna dhanka samaha uma badna…..” Sh. Mustafe Xaji Ismacil

Afsoomaaliga buugaagta ku qoran ma badna, inta qoranna dhanka samaha uma badna…..” Sh. Mustafe Xaji Ismacil

Sheekh Almis Yaxye Oo Ku Baaqay in la sameeyo Jeegaan Diimeed..Daawo

Sheekh Almis Yaxye Oo Ku Baaqay Jeegaan Diimeed..Daawo

Sidee Loo Helaa Macaanka Cibaadada” Sheekh Maxamed Cumar Dirir.

Sidee Loo Helaa Macaanka Cibaadada" Sheekh Maxamed Cumar Dirir.

Tafsiir Gaagaaban || Casharka 189 aad || Al-Maa’ida 48-50… Soo Jeedinta Sh. Maxamed Sh. Cumar Dirir

Tafsiir Gaagaaban || Casharka 189 aad || Al-Maa'ida 48-50... Soo Jeedinta Sh. Maxamed Sh. Cumar Dirir

Sh. Mustafe X.Ismaaciil Haaruun Cudurada Qalbiga Ku dhaca (Al Qalbu Saliim)

Sh. Mustafe X.Ismaaciil Haaruun Cudurada Qalbiga Ku dhaca (Al Qalbu Saliim)