Friday, March 29, 2024
HomeWararkaBeesha Caalamka oo Digniin U Dirtay Shirka Dhuusamareeb

Beesha Caalamka oo Digniin U Dirtay Shirka Dhuusamareeb

Madaxda Soomaaliya
Madaxda Soomaaliya
    

War kooban oo ka soo baxay beesha caalamka ayaa lagu soo dhaweeyay sida uu ku socdo shirka Dhuusamareeb, waxaana fariin loogu diray madaxda halkaas ku shiray.

Qoraalka ayaa lagu yidhi “Saaxiibada Beesha Caalamku waxay soo dhoweynayaan kulanka dhexmaraya Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo iyo madaxda Dowladaha Xubnaha ka ah Federaalka oo hadda ka socda magaalada Dhuusomareeb.”

Qoraalka ayaa lagu sheegay inay muhiim tahay in dhammaan ka qaybgalayaashu ay si wax ku ool ah uga qaybqaataan si loogu heshiiyo hirgelinta hanaanka doorashooyinka qaran heshiiskaasoo dhowraya qaabka doorasho ee heshiiskii 17kii Sebtember, ayuu qoraalka intaas ku daray.

“Waxaan hoosta ka xariiqeynaa in natiijooyin kasta oo beddel ka ah kii lagu heshiiyay, oo ay ka midyihiin geeddi-socod kale oo kan barbar socda ama doorashooyin qayb ah oo aan loo dhammayn, ama tallaabooyin kale oo aan ahayn hanaanka doorashooyinka lagu heshiiyey, ay noqon doonaan dib-u-dhac aan heli doonin taageerada saaxiibada caalamka,” ayaa lagu yidhi qoraalka.

Sidaa darteed, baa lagu yidhi qoraalka, waxaan ugu baaqeynaa dhammaan madaxda siyaasadda inay mudnaanta siiyaan sidii lagu heli lahaan hab hore loogu socdo iyadoo jirin dib u dhac dheeraad ah.

Waxaa lagu soo gunaanaday qoraalka kooban ee beesha caalamka “Saaxiibada beesha caalamku waxay mar kale ugu baaqayaan dhammaan madaxda Soomaaliya inay heshiis wadar ogol ah oo la isku raacsan yahay ka gaadhaan hirgelinta doorashooyinka si deg deg ah oo oo ah arrin ay danta qaranku ku jirto.”

Qoraalkan ayaa waxaa si wadajir ah usoo saaray: Hawlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM), Belgium, Canada, Denmark, Masar, Itoobiya, Midowga Yurub (EU), Finland, Faransiiska, Jarmalka, Urur-Goboleedka (IGAD), Ireland, Talyaaniga, Japan, Ururka Jaamacadda Carabta (LAS), Holand, Suudaan, Iswiidhan, Iswisarland, Turkey, Ughaanda, Boqortooyada Midowday ee Britain, Dowladda Maraykanka, ee Qaramada Midoobay.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Arimaha Diinta

Afsoomaaliga buugaagta ku qoran ma badna, inta qoranna dhanka samaha uma badna…..” Sh. Mustafe Xaji Ismacil

Afsoomaaliga buugaagta ku qoran ma badna, inta qoranna dhanka samaha uma badna…..” Sh. Mustafe Xaji Ismacil

Sheekh Almis Yaxye Oo Ku Baaqay in la sameeyo Jeegaan Diimeed..Daawo

Sheekh Almis Yaxye Oo Ku Baaqay Jeegaan Diimeed..Daawo

Sidee Loo Helaa Macaanka Cibaadada” Sheekh Maxamed Cumar Dirir.

Sidee Loo Helaa Macaanka Cibaadada" Sheekh Maxamed Cumar Dirir.

Tafsiir Gaagaaban || Casharka 189 aad || Al-Maa’ida 48-50… Soo Jeedinta Sh. Maxamed Sh. Cumar Dirir

Tafsiir Gaagaaban || Casharka 189 aad || Al-Maa'ida 48-50... Soo Jeedinta Sh. Maxamed Sh. Cumar Dirir

Sh. Mustafe X.Ismaaciil Haaruun Cudurada Qalbiga Ku dhaca (Al Qalbu Saliim)

Sh. Mustafe X.Ismaaciil Haaruun Cudurada Qalbiga Ku dhaca (Al Qalbu Saliim)
Exit mobile version