Friday, March 29, 2024
HomeWararkaW. Biyaha Somaliland Oo Daah-furtay Barnaamij Lagaga Faa’iidaysanayo Biyaha Roobka

W. Biyaha Somaliland Oo Daah-furtay Barnaamij Lagaga Faa’iidaysanayo Biyaha Roobka

    

Madaxweyne ku xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), ayaa maanta daahfuray barnaamijka GACMAHAAGA BIYO KAGA DHARAG oo ku sabsan sidii biyaha roobka looga faa’iidaysan lahaa.


Madaxweyne ku xigeenka oo madaashi khudbad kooban ka jeediyey ayaa sheegay in loo baahan yahay inay bulshadu biyaha qabsato, sidoo kalena barnaamijkani yahay barnaamij balaadhan oo buslshada lagu wacyigalinayo inay biyaha roobka ka faa’iidaystaan.


Wasiirka wasaaradda horumarinta khayraadka biyaha Somaliland Maxamed Muuse Diiriye, oo isna halkaasi ka hadlay ayaa xusay muhiimada ay leedahay in biyaha la qabsadaa.


Agaasimaha guud ee wasaaradda Horumarinta Biyaha Maxamed Xasan Dirir oo isna halkaasi ka hadlay ayaa xusay muhiimada barnaamijkan.


Shirkan daahfurka hawlgalka gacmahaaga biyo kaga dharag ayaa waxa ka soo qayb galay dhinacyo kala duwan oo bulshada ka socda.


Kuwaasoo ay ka mid yihiin La taliyaha madaxweynaha ee arrimaha bulshada, Taliyaha Ciidanka Dabdamiska, Taliye ku xigeenka Ciidanka Asluubta, Agaasimaha guud ee Wasaaradda Deegaanka.
Intii uu shirku socday waxa lagu lafoguray siyaabaha ugu haboon ee looga faa’iidaysan karo biyaha roobka iyada oo la adeegsanayo cududa bulshada Somaliland.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Arimaha Diinta

Afsoomaaliga buugaagta ku qoran ma badna, inta qoranna dhanka samaha uma badna…..” Sh. Mustafe Xaji Ismacil

Afsoomaaliga buugaagta ku qoran ma badna, inta qoranna dhanka samaha uma badna…..” Sh. Mustafe Xaji Ismacil

Sheekh Almis Yaxye Oo Ku Baaqay in la sameeyo Jeegaan Diimeed..Daawo

Sheekh Almis Yaxye Oo Ku Baaqay Jeegaan Diimeed..Daawo

Sidee Loo Helaa Macaanka Cibaadada” Sheekh Maxamed Cumar Dirir.

Sidee Loo Helaa Macaanka Cibaadada" Sheekh Maxamed Cumar Dirir.

Tafsiir Gaagaaban || Casharka 189 aad || Al-Maa’ida 48-50… Soo Jeedinta Sh. Maxamed Sh. Cumar Dirir

Tafsiir Gaagaaban || Casharka 189 aad || Al-Maa'ida 48-50... Soo Jeedinta Sh. Maxamed Sh. Cumar Dirir

Sh. Mustafe X.Ismaaciil Haaruun Cudurada Qalbiga Ku dhaca (Al Qalbu Saliim)

Sh. Mustafe X.Ismaaciil Haaruun Cudurada Qalbiga Ku dhaca (Al Qalbu Saliim)
Exit mobile version