fbpx
Friday, March 29, 2024
HomeWararkaShirkii Wadatashiga Ee Dhuusamareeb Oo Maanta Furmay

Shirkii Wadatashiga Ee Dhuusamareeb Oo Maanta Furmay

    

Waxaa maanta magaalada Dhuusamareeb si rasmi ah uga furmay shirka madaxda dawlad Goboleedyda iyo dawladda Federaalka Soomaaliya.
Kaas oo lagaga hadlayo arrimo ay kamid yihiin muranka hadheeyay hanaanka doorashada Soomaaliya iyo xiisadda ka taagan gobolka.

Shirkaasi ayaa dhawr jeer oo hore dib u dhacay. Iyadoo hore loo qorsheeyay inuu dhaco 1-dii bishan, balse maanta ayuu furmay.
Kadib markii sababo ay ka mid yihiin madaxda qaar oo kulanka ka soo daahay ay kaliftay dibu dhaca.


Madaxweynaha Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaana guddoomiyay furitaanka shirkaasi wada tashiga ah.
Sida lagu sheegay war ka soo baxay madaxtooyadda Soomaaliya ee Villa Soomaalia.


Waxaana shirkaasi lagaga tashanayaa arrimo ku saabsan dardar galinta hannaanka doorashooyinka dalka iyo sii ambaqaadidda heshiiskii 17-kii bishii Seebteembar ee sanadkii hore ay ansixiyeen baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.


Kulanka waxaa ka qayb galay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble, Madaxweynaha dawlad-goboleedyada Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye, Puntland Siciid Cabdullaahi Dani, Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed-madoobe).

Koonfur-galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed, Hirshabeelle Cali-Cabdullaahi Xuseen iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Cumar Maxamuud Maxamed.


“Madaxda ayaa isla gorfeeyey dadaallada heer Federaal iyo heer dowlad-goboleed ee loo qaaday hirgelinta hannaanka doorashooyinka, xaqiijinta xasilloonida siyaasadeed iyo amni ee dalka” ayaa lagu yidhi warka ka soo baxay Villa Soomaaliya.
Waxa kaloo warkaasi lagu sheegay in madaxweyne Farmaajo tilmaamay muhiimadda ay leedahay wada jirka ummadda Soomaaliyeed.


“Madaxweynaha Jamhuuriyadda Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa tilmaamay muhiimadda ay leedahay wadajirka shacabka Soomaaliyeed.
Waxaanu dul istaagay marxaladihii adkaa ee laga soo maray, dib u dhiska dawladnimadeenna”.
Dhinaca kale shirkan oo dib uga dhacay xiligii loo qorsheeyay inuu furmo ayaa la filayaa inuu soo dhamaado maalinta Jimcaha ee 5ta bishan.
Xiligaasi oo ku beegan taariikhda uu madaxweyne Farmaajo balan qaaday inuu khudbad ka hor jeedin doono fadhi wada jir ah oo ay yeelanayaan baarlamaanka labadda aqal ee Soomaaliya.

 

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Arimaha Diinta

Afsoomaaliga buugaagta ku qoran ma badna, inta qoranna dhanka samaha uma badna…..” Sh. Mustafe Xaji Ismacil

Afsoomaaliga buugaagta ku qoran ma badna, inta qoranna dhanka samaha uma badna…..” Sh. Mustafe Xaji Ismacil

Sheekh Almis Yaxye Oo Ku Baaqay in la sameeyo Jeegaan Diimeed..Daawo

Sheekh Almis Yaxye Oo Ku Baaqay Jeegaan Diimeed..Daawo

Sidee Loo Helaa Macaanka Cibaadada” Sheekh Maxamed Cumar Dirir.

Sidee Loo Helaa Macaanka Cibaadada" Sheekh Maxamed Cumar Dirir.

Tafsiir Gaagaaban || Casharka 189 aad || Al-Maa’ida 48-50… Soo Jeedinta Sh. Maxamed Sh. Cumar Dirir

Tafsiir Gaagaaban || Casharka 189 aad || Al-Maa'ida 48-50... Soo Jeedinta Sh. Maxamed Sh. Cumar Dirir

Sh. Mustafe X.Ismaaciil Haaruun Cudurada Qalbiga Ku dhaca (Al Qalbu Saliim)

Sh. Mustafe X.Ismaaciil Haaruun Cudurada Qalbiga Ku dhaca (Al Qalbu Saliim)