Saturday, April 20, 2024
HomeWararkaNorway Oo Ku Soo Biirtay Dawladaha Dhex-dhexaadinaya Somaliland iyo Soomaaliya

Norway Oo Ku Soo Biirtay Dawladaha Dhex-dhexaadinaya Somaliland iyo Soomaaliya

    

Dawladda Norway ayaa la sheegay in ay qayb ka noqonayso wadahadaladda u dhexeeya jamhuuriyadda Somaliland iyo dawladda federaalka ah ee Soomaaliya.

Ka mid noqoshadda Norway ee wadahadaladda ayaa codsigeedu ka yimid dhinaca dawladda Norway, iyadoo Somaliland ka aqbashay dalabkaasi.

Maaddaama oo ay Somaliland u aragto waddanka Norway inuu yahay dal dhexdhexaad ah, isla markaana leh waayo-aragnimo dheer oo ku saabsan xallinta khilaafaadka iyo nabadda adduunka.

Sidaasina waxaa lagu sheegay war-saxaafadeed ka soo baxay madaxtooyadda Somaliland kadib  uu maanta madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, ku qaabilay wefti ka socday dawladda Norway.

Weftigaasi oo uu hogaaminayay safiir-ku-xigeenka dawladda Norway u fadhiya magaaladda Nairobi ee dalka kenya Amb. Stian Christensen.

Danjiraha waxaa safarkaasi ku wehelinayay  ergeyga gaarka ah ee dawladda Norway u qaabilsan dalalka jamhuuriyadda Somaliland iyo Soomaaliya, Amb. Theidi Johansen.

Kulankan, ayaa intii uu socday lagaga wada hadlay arrimo dhawr ah oo ay kamid yihiin xoojinta xidhiidhka labada dal, iskaashiga horumarka iyo wada-hadallada Somaliland iyo Soomaaliya iyo kaalinta uu dalka Norway ka qaadan karo.

“Waxaanay jamhuuriyadda Somaliland soo dhawaysay in Norway kaalin ka qaadato wada-hadallada  iyo kala gurashada labada dal.

Maaddaama, waddanka Norway yahay dal dhexdhexaad ah, isla markaana leh waayo-aragnimo dheer oo ku saabsan xallinta khilaafaadka iyo nabadda adduunka” ayaa lagu yidhi warkaasi.

Hargeisa Press.com/Hargeisa Office

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Arimaha Diinta

Ma doonaysaa inaan Saddaqo ku Darsato Masaajid?

Magaalada Kassel ee Dalka Germany oo ay Deganyihiin qiyaastii Somalida ugu badan Dalkani waxaa ka socda Khayr fara-badan oo mudan in lagala Qayb qaato. Gudida...

Afsoomaaliga buugaagta ku qoran ma badna, inta qoranna dhanka samaha uma badna…..” Sh. Mustafe Xaji Ismacil

Afsoomaaliga buugaagta ku qoran ma badna, inta qoranna dhanka samaha uma badna…..” Sh. Mustafe Xaji Ismacil

Sheekh Almis Yaxye Oo Ku Baaqay in la sameeyo Jeegaan Diimeed..Daawo

Sheekh Almis Yaxye Oo Ku Baaqay Jeegaan Diimeed..Daawo

Sidee Loo Helaa Macaanka Cibaadada” Sheekh Maxamed Cumar Dirir.

Sidee Loo Helaa Macaanka Cibaadada" Sheekh Maxamed Cumar Dirir.

Tafsiir Gaagaaban || Casharka 189 aad || Al-Maa’ida 48-50… Soo Jeedinta Sh. Maxamed Sh. Cumar Dirir

Tafsiir Gaagaaban || Casharka 189 aad || Al-Maa'ida 48-50... Soo Jeedinta Sh. Maxamed Sh. Cumar Dirir
Exit mobile version