fbpx
Tuesday, December 5, 2023
HomeWararkaMadaxweyne Biixi Oo Dhaqan Geliyay Wakhtiga La Qabanayo Doorashooyinka

Madaxweyne Biixi Oo Dhaqan Geliyay Wakhtiga La Qabanayo Doorashooyinka

    

Madaxweynaha Somaliland ayaa xeer madaxweyne ku dhaqan geliyay wakhtiga loo cayimay in ay dalka ka qabsoomaan doorashooyinka isku-sidkan ee goleyaasha Wakiillada iyo Deegaanka.

Doorashooyinkaasi oo ay hore komishanka doorashooyinku ugu asteeyeen in ay qabsoomaan maalin Isniin ah oo ku beegan 31ka bisha May ee 2021-ka.

Sida lagu sheegay war kooban oo maanta ka soo baxay xafiiska madaxtooyadda Somaliland.

Soo jeedintaasi hore ee guddiga doorashooyinka ay shalay ku raaceen golaha Guurtidda Somaliland oo todobaadkii hore loo gudbiyay.

Dhaqan gelintan maanta madaxweyne Biixi, ayaa noqonaysa halkii ugu danbaysay ee sharcinimadda qabsoomidda doorashooyinka.

Dhaqanka gelinta madaxweyne Biixi waxay u dhignayd sidan:

“Xeer Madaxweyne Lr. 12/022021

Cayimaadda Muddada Doorashooyinka

Markaan Arkay: Qodobka 42aad, Faqraddiisa 2aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda   Somaliland;

Markaan Arkay:  Qodobka 6aad ee Xeerka Guud ee Doorashooyinka iyo Diiwaan-gelinta Cod-bixiyayaasha, Xeer Lr. 91/2020;

Markaan Arkay: Qoraalka Komishanka Doorashooyinka Qaranka ee summaddiisu tahay KDQ/XK/002/2021, kuna taariikhaysan 16/01/2021, ujeeddadiisuna tahay Cayimaadda Doorashada Golayaasha Wakiillada iyo Deegaanka ee 2021;

Markaan Arkay:     Go’aanka Golaha Guurtida ee summaddiisu tahay Ref: GG/JSL/KC/G-01/02/2021, kuna taariikhaysan 02/02/2021, ujeeddadiisuna tahay Go’aanka Dib-u-eegista Muddo Xileedka Golaha Wakiillada Jamhuuriyadda Somaliland;

Waxaan Go’aamiyey;

In Doorashooyinka Isku-sidkan ee Golayaasha Wakiillada iyo Deegaanku ay ka dhacaan Dalka Jamhuuriyadda Somaliland Maalinta Isniinta ah ee ku beegan 31ka Bisha May 2021.

ALLAA MAHAD LEH

Muuse Biixi Cabdi

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Arimaha Diinta

Afsoomaaliga buugaagta ku qoran ma badna, inta qoranna dhanka samaha uma badna…..” Sh. Mustafe Xaji Ismacil

Afsoomaaliga buugaagta ku qoran ma badna, inta qoranna dhanka samaha uma badna…..” Sh. Mustafe Xaji Ismacil

Sheekh Almis Yaxye Oo Ku Baaqay in la sameeyo Jeegaan Diimeed..Daawo

Sheekh Almis Yaxye Oo Ku Baaqay Jeegaan Diimeed..Daawo

Sidee Loo Helaa Macaanka Cibaadada” Sheekh Maxamed Cumar Dirir.

Sidee Loo Helaa Macaanka Cibaadada" Sheekh Maxamed Cumar Dirir.

Tafsiir Gaagaaban || Casharka 189 aad || Al-Maa’ida 48-50… Soo Jeedinta Sh. Maxamed Sh. Cumar Dirir

Tafsiir Gaagaaban || Casharka 189 aad || Al-Maa'ida 48-50... Soo Jeedinta Sh. Maxamed Sh. Cumar Dirir

Sh. Mustafe X.Ismaaciil Haaruun Cudurada Qalbiga Ku dhaca (Al Qalbu Saliim)

Sh. Mustafe X.Ismaaciil Haaruun Cudurada Qalbiga Ku dhaca (Al Qalbu Saliim)