fbpx
Monday, June 5, 2023
HomeWararkaGuddoomiyaha Aqalka Sare Oo Eeddo U Jeediyay Madaxweyne Farmaajo

Guddoomiyaha Aqalka Sare Oo Eeddo U Jeediyay Madaxweyne Farmaajo

    

Guddoomiyaha Aqalka Sare ee baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa ku eedeeyay madaxweyne Farmaajo in aanu qaddarin waajibaadka dastuurku siiyay Aqalka Sare.
Cabdi Xaashi Cabdullaahi, oo maanta shir jaraa’id ku qabtay magaaladda Muqdisho waxa uu ka hadlay shirka ka furmay Dhuusamareeb iyo waraaq codsi ahayd oo uu u qoray madaxweynaha maamulka Galmudug.
Waraaqdaasi oo uu kaga codsanayay inuu ka qayb gallo shirka Dhuusamareeb, balse Cabdi Xaashi, waxaa uu sheegay in aanu ku jirin madaxda ka qorsheeyay in ay ka qayb galaan shirkaasi.

“Aqalka Sare ee baarlamaanka Federaalka Soomaaliya sida uu dastuurka qaranka sheegayo.. waa wakiilka dawlad goboleedyada, waa ilaaliyaha nidaamka federaalka ee dalkani” ayuu yidhi Cabdi Xaashi.
Wuxuu sheegay in madaxweynaha Dawladda Federaalka uu ka hor istaagay inuu ka qayb galo shirka maanta madaxda dawladda Federaalka iyo kuwa maamul goboleedyada uga furmay magaalada Dhuusamareeb ee xarunta maamulka Galmudug.

Waxaanu yidhi, “Waxaa kale aanu aqoonsaneyn oo ay caddeyneysaa diidmada uu ii diidayo shirkaa dawlad Goboleedyada iyo dawladda dhexe ay ku shirayaan oo Aqalkan uu yahay xidhiidhiyihii”.

“Waxaan ka xumahay muddadaa uu jiray Aqalka Sare in madaxweyna uusan aqoonsanin tixgelinin waajibaadkaa dastuuriga ah ee dastuurka siiyay Aqalka Sare.
Khilaaf kasta iyo wadahadal kasta oo dhexmara dowladda dhexe iyo dowlad goboleedyada” ayuu yidhi guddoomiyaha aqalka sare.
Cabdi Xaashi, ayaa ku dooday in shirka Dhuusamareeb ay masuuliyad gaara ka saaran tahay aqalka sare.
Waxaanu yidhi, “Aqalkaasi in uu yahay midka shirarkaas muhiimad gaar ah ay ka saaran tahay oo dhexdhexaadiye ah”.
Geesta kale hadalka guddoomiyaha Aqalka Sare ayaa ku soo beegmayaa xilli Dhuusamareeb madaxda dawlad Goboleedyada iyo dawladda Federaalka uu uga furmay shir looga hadlayo muranka hadheeyay hanaanka doorashada Soomaaliya.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Arimaha Diinta

Afsoomaaliga buugaagta ku qoran ma badna, inta qoranna dhanka samaha uma badna…..” Sh. Mustafe Xaji Ismacil

Afsoomaaliga buugaagta ku qoran ma badna, inta qoranna dhanka samaha uma badna…..” Sh. Mustafe Xaji Ismacil

Sheekh Almis Yaxye Oo Ku Baaqay in la sameeyo Jeegaan Diimeed..Daawo

Sheekh Almis Yaxye Oo Ku Baaqay Jeegaan Diimeed..Daawo

Sidee Loo Helaa Macaanka Cibaadada” Sheekh Maxamed Cumar Dirir.

Sidee Loo Helaa Macaanka Cibaadada" Sheekh Maxamed Cumar Dirir.

Tafsiir Gaagaaban || Casharka 189 aad || Al-Maa’ida 48-50… Soo Jeedinta Sh. Maxamed Sh. Cumar Dirir

Tafsiir Gaagaaban || Casharka 189 aad || Al-Maa'ida 48-50... Soo Jeedinta Sh. Maxamed Sh. Cumar Dirir

Sh. Mustafe X.Ismaaciil Haaruun Cudurada Qalbiga Ku dhaca (Al Qalbu Saliim)

Sh. Mustafe X.Ismaaciil Haaruun Cudurada Qalbiga Ku dhaca (Al Qalbu Saliim)