fbpx
Thursday, April 18, 2024
HomeWararkaWefti Ka Socda Qaramada Midoobay oo Maanta Soo Gaadhay Somaliland

Wefti Ka Socda Qaramada Midoobay oo Maanta Soo Gaadhay Somaliland

James Swan
James Swan
    

Wefti balaadhan oo ka socda Qaramada Midoobay ayaa maanta soo gaadhay magaalada Hargeysa ee caasimada Somaliland, Sida ay Warbaahinta Hargeisapress u xaqiijiyeen masuuliyiin ka tirsan xukuumaddu.

Weftiga ayaa waxaa hoggaaminayay Ergayga Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya James Swan, kaasi oo fadhigiisu yahay Magaalada Muqdisho.

Ujeedka socdaalka weftiga Qaramada Midoobay, ayaa la sheegay inay dalka u yimaadeen xal u helidda khilaafkii soo kala dhex galay Somaliland iyo Qaramada Midoobay.

Somaliland ayaa dhamaadkii sannadkii hore joojisay Hawlihii Qaramada Midoobay ka haysay dalka, ka dib markii ay soo baxday in qorshaheeda Waxqabad ee afarta sanadood ee soo socda uu waafaqsan yahay ka Dawladda Soomaaliya.

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi iyo Weftiga Qaramada Midoobay ayaa la filayaa inay ka wada-hadlaan sidii loo soo afjari lahaa xurgufta soo kala dhex gashay.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Arimaha Diinta

Ma doonaysaa inaan Saddaqo ku Darsato Masaajid?

Magaalada Kassel ee Dalka Germany oo ay Deganyihiin qiyaastii Somalida ugu badan Dalkani waxaa ka socda Khayr fara-badan oo mudan in lagala Qayb qaato. Gudida...

Afsoomaaliga buugaagta ku qoran ma badna, inta qoranna dhanka samaha uma badna…..” Sh. Mustafe Xaji Ismacil

Afsoomaaliga buugaagta ku qoran ma badna, inta qoranna dhanka samaha uma badna…..” Sh. Mustafe Xaji Ismacil

Sheekh Almis Yaxye Oo Ku Baaqay in la sameeyo Jeegaan Diimeed..Daawo

Sheekh Almis Yaxye Oo Ku Baaqay Jeegaan Diimeed..Daawo

Sidee Loo Helaa Macaanka Cibaadada” Sheekh Maxamed Cumar Dirir.

Sidee Loo Helaa Macaanka Cibaadada" Sheekh Maxamed Cumar Dirir.

Tafsiir Gaagaaban || Casharka 189 aad || Al-Maa’ida 48-50… Soo Jeedinta Sh. Maxamed Sh. Cumar Dirir

Tafsiir Gaagaaban || Casharka 189 aad || Al-Maa'ida 48-50... Soo Jeedinta Sh. Maxamed Sh. Cumar Dirir