fbpx
Friday, March 29, 2024
HomeWararkaSomaliland iyo Taiwan oo Iska Kaashanaya Mashruuc Lagu Horumarinayo Beeraha

Somaliland iyo Taiwan oo Iska Kaashanaya Mashruuc Lagu Horumarinayo Beeraha

    

Dowladdaha Somaliland iyo Taiwan ayaa maanta kala saxeexday mashruuc ay iskaga kaashanayaan tayaynta horumarinta wax soo saarka beeraha.

Mashuuraca ayaa iskugu jira samaynta Beer tijaabo ah iyo tababbarro la siin doono beeralayda iyo shaqaalaha wasaaradda oo looga gol leeyahay kobcinta beeraha.

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Horumarinta Beeraha Somaliland Rooble Cabdi Muuse oo heshiiskan ka hadlay ayaa sheegay in horumarinta beeruhu qayb weyn ka tahay qorshaha horumarinta qaranka isla-markaana uu Madaxweyne Muuse Biixi uu ahmiyad iyo mudnaan siinayo.

Mashruuca ayaa ka kooban sidan:-

1. Samaynta Beer lagu soo bandhigo hab- beereedka casriga ah iyo abuur tayo leh, tabobbarradana lagu bixiyo.

2. Tababbaar la siin doono shaqaalaha wasaaradda horumarinta Beeraha.

3. Tababbar beeralayda loo samayn doono.

Agaasimaha guud ee Wasaarada Beeraha wuxuu sheegay in mashruucani uu Qaranka u leeyahay faa’iido.

Sidoo kale, safiir ku-xigeenka Dowladda Taiwan ayaa ka warramay ahmiyadda Mashruucan, isagoo u Mahad celiyey Dawladda Somaliland.

 

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Arimaha Diinta

Afsoomaaliga buugaagta ku qoran ma badna, inta qoranna dhanka samaha uma badna…..” Sh. Mustafe Xaji Ismacil

Afsoomaaliga buugaagta ku qoran ma badna, inta qoranna dhanka samaha uma badna…..” Sh. Mustafe Xaji Ismacil

Sheekh Almis Yaxye Oo Ku Baaqay in la sameeyo Jeegaan Diimeed..Daawo

Sheekh Almis Yaxye Oo Ku Baaqay Jeegaan Diimeed..Daawo

Sidee Loo Helaa Macaanka Cibaadada” Sheekh Maxamed Cumar Dirir.

Sidee Loo Helaa Macaanka Cibaadada" Sheekh Maxamed Cumar Dirir.

Tafsiir Gaagaaban || Casharka 189 aad || Al-Maa’ida 48-50… Soo Jeedinta Sh. Maxamed Sh. Cumar Dirir

Tafsiir Gaagaaban || Casharka 189 aad || Al-Maa'ida 48-50... Soo Jeedinta Sh. Maxamed Sh. Cumar Dirir

Sh. Mustafe X.Ismaaciil Haaruun Cudurada Qalbiga Ku dhaca (Al Qalbu Saliim)

Sh. Mustafe X.Ismaaciil Haaruun Cudurada Qalbiga Ku dhaca (Al Qalbu Saliim)