fbpx
Friday, March 29, 2024
HomeWararkaKhudbadii Taliye Taanni Ee Xuska Aasaaska Ciidamadda Qaranka

Khudbadii Taliye Taanni Ee Xuska Aasaaska Ciidamadda Qaranka

    

Taliyaha ciidanka qaranka Jamhuuriyadda Somaliland sarreeye gaas Nuux Ismaaciil Taani, ayaa sheegay sanadihii u danbeeyay ay horumar balaadhan ka sameeyeen dhinaca tababarradda ciidamadda.

Iyadoo sanadkii aynu soo dhaafnay ay dugsigyadda tababarka ciidanka ee Sheekh iyo Darar-weyne laba jeer ay Dhibboo ka saareen, isla markaana kuliyadda saraakiisha ee  C/laahi Askar na ay  ka soo baxeen 156 sarkaal.

 

Waxa kaloo uu sheegay in kuliyadda saraakiisha ee C/laahi Askar ay hadda ku jiraan 20 sarkaal oo soo dhamaystay laba sanadood ee tababar Itoobiya ah,  halka dugsiga Harag-waafi ay  ku jiraan 72 saraakiil ku-xigeenno oo dhamaanba goboladda dalka laga soo kala ururiyay.

Sareeye gaas Nuux Ismaaciil Taani, waxa kaloo uu sheegay in sanadkan ay tababar dibadeed u direen  71 sarkaal iyo saraakiil ku-xigeenno ah. Iyadoo ay soo dhamaysteen 34 sarkaal oo hadda hawl galla.

Nuux Ismaaciil Taani, waxa uu sidan ka sheegay khudbad uu maanta ka jeediyay xuska 27-tan guurradda ka soo wareegtay aasaaskii ciidamadda qaranka jamhuuriyadda Somaliland oo maanta lagu qabtay taliska magaaladda Hargaysa.

Geesta kale taliyuhu waxa uu tilmaamay in markii uu ciidanka qaranku dhismay la dejiyay afar qorshe, isla markaana afartaasi qorshe ay maanta hirgaleen 95%.

Waxa kaloo uu  sheegay in waajibaadka ciidanka qaranku uu yahay ilaalinta qarannimadda jamhuuriyadda Somaliland madax banaanideedda, dadkeedda, dalkeedda iyo dawladnimadeeddaba.

Dhinaca kale taliye Taanni, ayaa ka waramay taariikhda dhismihii ciidamadda milateriga Somaliland ee xiligii ay Somaliland xornimadda ka qaadatay boqortooyadii Ingiriiska sanadkii 1960-kii.

Waxaanu sheegay in markii xoriyadda la qaatay in qoladda Koonfureed aanay lahayn ciidamo milateri ah, balse ay  lahaaayeen boolis.

Sidaas darteedna uu  midawgeenii keenay in ay ciidamadda booliska ka soo wareejiyaan ciidamo laga dhigo milateri, iyadoo xiligaasi ay ciidamadii Somaliland ee  halkan laga qaaday ay u noqdeen macalimiin oo ay tababarayeen ciidamadii Koonfurta.

Nuux Ismaaciil taanni, oo khudbadiisu aad u dheerayd ayaa ka sheekeeyay heerarkii kala duwanaa ee uu soo maray dhismaha ciidanka milateriga Somaliland iyo horumarka dhinacyada kala duwan leh ee ay sameeyeen muddadii ay jireen.

DAAWO: KHUDBADII TALIYE Nuux TAANI OO DHAMAYSTIRAN:

 

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Arimaha Diinta

Afsoomaaliga buugaagta ku qoran ma badna, inta qoranna dhanka samaha uma badna…..” Sh. Mustafe Xaji Ismacil

Afsoomaaliga buugaagta ku qoran ma badna, inta qoranna dhanka samaha uma badna…..” Sh. Mustafe Xaji Ismacil

Sheekh Almis Yaxye Oo Ku Baaqay in la sameeyo Jeegaan Diimeed..Daawo

Sheekh Almis Yaxye Oo Ku Baaqay Jeegaan Diimeed..Daawo

Sidee Loo Helaa Macaanka Cibaadada” Sheekh Maxamed Cumar Dirir.

Sidee Loo Helaa Macaanka Cibaadada" Sheekh Maxamed Cumar Dirir.

Tafsiir Gaagaaban || Casharka 189 aad || Al-Maa’ida 48-50… Soo Jeedinta Sh. Maxamed Sh. Cumar Dirir

Tafsiir Gaagaaban || Casharka 189 aad || Al-Maa'ida 48-50... Soo Jeedinta Sh. Maxamed Sh. Cumar Dirir

Sh. Mustafe X.Ismaaciil Haaruun Cudurada Qalbiga Ku dhaca (Al Qalbu Saliim)

Sh. Mustafe X.Ismaaciil Haaruun Cudurada Qalbiga Ku dhaca (Al Qalbu Saliim)