Tuesday, April 16, 2024
HomeWararkaGuddoomiye Cirro: Dalkeena Somaliland Wuxuu U Dhaqaaqay oo Uu Cagta Saaray Jidkii...

Guddoomiye Cirro: Dalkeena Somaliland Wuxuu U Dhaqaaqay oo Uu Cagta Saaray Jidkii Doorasho Ee Mudada Dheer La Sugayay

Home  keena Somaliland Wuxuu U
Guddoomiye Cirro
Guddoomiye Cirro
    

Guddoomiyaha Xisbiga Mucaridka ah ee Waddani Cabdiraxman Maxamed Cabdilahi (Cirro) ayaa Golaha Guurtida Somaliland ku hambalyeyay go’aan kii ay mudada doorashada dib ugu soo dhigeen.

Gudoomiye Cirro ayaa qoraal uu soo saaray hambalyo ugu diray golaha guurtida oo uu sheegay in ay guteen waajib sharci maadama oo ay Gudida Doorashoyinka ku waafaqeen xiliga la qabanayo doorashoyinka Golayasha Deeganka iyo Wakilada oo ay gudida doorashoyinku go’aamiyen in Somaliland looga dareero maalinta 31 May ee sanadkan 2021.

Qoralka uu Gudoomiyuhu soo dhigay bartiisa Facebook ga aya sidan u dhignaa:-

“Waxa aan ku bogaadinayaa Golaha Guurtida waajibaka sharci ee ay guteen maanta maadaama oo ay is waafajiyeen muddo xileedka Golaha Wakiilada iyo soo- jeedintii Asxaabta Qaranka iyo Madaxwaynahaba ee cayimaadda doorashada, aririntani waxa ay soo afjartay ismari waa siyaasadeed iyo kala aragti duwanaanshiyo ra’yi oo muddo soo jiitamayay.

Dalkeenna Somaliland waxa uu u dhqaaqay oo uu cagta saaray jidkii doorasho muddo dheer la sugayey oo ah doorasho isku sidkan taarikhda markii kowaad, doorasho fursad wayn siinaysa da’yar badan oo u hamum qabtay in ay mar’ uun wax doortaan iyagana la doorto, doorasho fursad wayn siinaysa in haweenkeennu ay soo galaan Golayaasha Qaranka, doorasho fursad wayn siinaysa in ay helaan Beelaha Gabooye metalaad sharci ah”.ayuu yidhi Guddoomiyaha Xisbiga Waddani Cabdiraxman Maxamed Cabdilahi (Cirro).

Gudoomiyaha ayaa qoralkisa kuso gaba gabeeyay in ugu danbayntii ay midho dhashay xikmadii lagu majiiran jiray Somaliland ee ahayd isu-tanasul, wada-hadal iyo is afgarad in wax walba lagu dhameeyo.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Arimaha Diinta

Ma doonaysaa inaan Saddaqo ku Darsato Masaajid?

Magaalada Kassel ee Dalka Germany oo ay Deganyihiin qiyaastii Somalida ugu badan Dalkani waxaa ka socda Khayr fara-badan oo mudan in lagala Qayb qaato. Gudida...

Afsoomaaliga buugaagta ku qoran ma badna, inta qoranna dhanka samaha uma badna…..” Sh. Mustafe Xaji Ismacil

Afsoomaaliga buugaagta ku qoran ma badna, inta qoranna dhanka samaha uma badna…..” Sh. Mustafe Xaji Ismacil

Sheekh Almis Yaxye Oo Ku Baaqay in la sameeyo Jeegaan Diimeed..Daawo

Sheekh Almis Yaxye Oo Ku Baaqay Jeegaan Diimeed..Daawo

Sidee Loo Helaa Macaanka Cibaadada” Sheekh Maxamed Cumar Dirir.

Sidee Loo Helaa Macaanka Cibaadada" Sheekh Maxamed Cumar Dirir.

Tafsiir Gaagaaban || Casharka 189 aad || Al-Maa’ida 48-50… Soo Jeedinta Sh. Maxamed Sh. Cumar Dirir

Tafsiir Gaagaaban || Casharka 189 aad || Al-Maa'ida 48-50... Soo Jeedinta Sh. Maxamed Sh. Cumar Dirir
Exit mobile version