Thursday, April 18, 2024
HomeWararkaFaysal Cali Waraabe oo Ka Hadlay Geerida General Galaal, Farriina U Diray...

Faysal Cali Waraabe oo Ka Hadlay Geerida General Galaal, Farriina U Diray Shacabka Soomaaliya

Faysal Cali Waraabe
Faysal Cali Waraabe
    

Guddoomiyaha Xisbiga Muraadka Somaliland ee UCID, Eng. Faysal Cali Waraabe, ayaa ka hadlay qaraxii iyo weerarkii shalay kooxda Al-shabaab ku fuliyeen Huteelka Afrik ee Magaalada Muqdisho.

Weerarka Al-shaabab ku qaaday huteelka oo laga horaysiiyay qarax, ayaa sababay khasaare dhimasho iyo dhaawac ah, isla markaana geystay bur-bur weyn, waxaana ku naf waayay General Maxamed Nuur Galaal iyo dhawr iyo labaatan qof oo kale.

Eng. Faysal Cali Waraabe oo maanta warbaahinta qaarkeed kula hadlay magaalada Hargeysa, ayaa ku tilmaamay geerida General Galaal mid murrugo ah, isagoo ku sifeeyay halyey weyn oo ka baxay ummada Soomaalida.

Guddoomiyaha UCID, wuxuu sheegay in Marxuum General Galaal door weyn ku lahaa dhismaha ciiddankii qaranka Soomaaliya, wuxuuna si gaar ah ugu xusay kaalintii uu ku lahaa dagaalkii dhexmaray Soomaaliya iyo Ethiopia.

“Maanta waa maalin murrugo ah, waxaan ka tacsiyaynayaa shacbiga Soomaaliyeed, gaar ahaan shacbiga Muqdisho dilka General Galaal oo ka mid ahaa raggaii cagaha u taagay Millaterigii Dawladdii Somali Republic, Gen. Galaal, wuxuu ahaa geesi,, dagaalkii 1977, wuxuu watay ciiddankii Kaarraa-mardha galay, wuxuu ahaa midhadhkii ku hadhsanaa Soomaaliya ee hayay taariikhda Soomaaliya , Somaliland iyo geeska Afrika ee xog-ogaalka ahaa”.ayuu yidhi Guddoomiyaha Xisbiga UCID.

Guddoomiyaha Xisbiga UCID, Eng. Faysal Cali Waraabe ayaa ugu baaqay bulshada Soomaalida inay toosaan oo talladooda gacanta ku qabsadaan, isagoo usoo jeediyay in ay wixii ka dhinma Soomaalida kale weydiiyaan.

“Maanta talladiina waxa gacanta ku haya Turki, Maraykan, Ethiopia iyo dad kale, Farmaajona waxba idiinma hayo ee toosa oo tallada gacantiina ku qabsada.” sidaa waxa yidhi, Eng. Faysal oo farriin guubaabo ah u diray shacbiga Soomalida, gaar ahaan dadka reer Muqdisho. Ayuu yidhi Faysal Cali Waraabe.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Arimaha Diinta

Ma doonaysaa inaan Saddaqo ku Darsato Masaajid?

Magaalada Kassel ee Dalka Germany oo ay Deganyihiin qiyaastii Somalida ugu badan Dalkani waxaa ka socda Khayr fara-badan oo mudan in lagala Qayb qaato. Gudida...

Afsoomaaliga buugaagta ku qoran ma badna, inta qoranna dhanka samaha uma badna…..” Sh. Mustafe Xaji Ismacil

Afsoomaaliga buugaagta ku qoran ma badna, inta qoranna dhanka samaha uma badna…..” Sh. Mustafe Xaji Ismacil

Sheekh Almis Yaxye Oo Ku Baaqay in la sameeyo Jeegaan Diimeed..Daawo

Sheekh Almis Yaxye Oo Ku Baaqay Jeegaan Diimeed..Daawo

Sidee Loo Helaa Macaanka Cibaadada” Sheekh Maxamed Cumar Dirir.

Sidee Loo Helaa Macaanka Cibaadada" Sheekh Maxamed Cumar Dirir.

Tafsiir Gaagaaban || Casharka 189 aad || Al-Maa’ida 48-50… Soo Jeedinta Sh. Maxamed Sh. Cumar Dirir

Tafsiir Gaagaaban || Casharka 189 aad || Al-Maa'ida 48-50... Soo Jeedinta Sh. Maxamed Sh. Cumar Dirir
Exit mobile version