fbpx
Friday, March 29, 2024
HomeWararkaWefti Ka Socda Dowladda Ruushka oo Somaliland Soo Gaadhay

Wefti Ka Socda Dowladda Ruushka oo Somaliland Soo Gaadhay

    

Wefti ka socda Dowladda Ruushka, ayaa maanta soo gaadhay Caasimadda Somaliland ee Hargeysa.

Weftigan ayaa waxaa hoggaaminayay Agaasimaha Xafiiska iskaashiga Dhaqaalaha iyo Maalgashiga Dawlada Ruushka ee Qaarada Afrika, ee loo soo gaabsado, (AFROCOM), Mr. Stanislav Mezentsev.

Waxana Madaarka Hargeysa ku soo dhaweeyey Masuuliyiin uu ka mid yahay masuuliyiin ka tirsan xukuumadda iyo Wakiilka Somaliland ee Waddanka Jabuuti Danjire Cabdifataax Siciid Axmed.

Wakiilka Somaliland ee Jabuuti Cabdifataax Siciid oo ka hadlay ujeeddada socdaalka Weftiga Ruushka, ayaa sheegay inuu yahay mid ay ku doonayaan in ay ku indho indheeyaan maal gashi ay ku samayn karaan Somaliland.

“Ujeeddada Weftigan, waxa weeye sidii ay u indho indhayn lahaayeen maal gashi ay ku sameeyaan Somaliland, markii u dambaysay ee uu yimaado-na waxay ahayd 2008, markaas oo uu la kulmay Madaxweynihii hore Daahir Rayaale”ayuu yidhi Wakiilka Somaliland ee Jabuuti Cabdifataax Siciid.

Masuulka Weftigan Hoggaaminayay, ayaa waxaa uu sheegay in waddankiisu danaynayo xidhiidh iyo maal gashi uu ku sameeyo Jamnuuriyadda Somaliland.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Arimaha Diinta

Afsoomaaliga buugaagta ku qoran ma badna, inta qoranna dhanka samaha uma badna…..” Sh. Mustafe Xaji Ismacil

Afsoomaaliga buugaagta ku qoran ma badna, inta qoranna dhanka samaha uma badna…..” Sh. Mustafe Xaji Ismacil

Sheekh Almis Yaxye Oo Ku Baaqay in la sameeyo Jeegaan Diimeed..Daawo

Sheekh Almis Yaxye Oo Ku Baaqay Jeegaan Diimeed..Daawo

Sidee Loo Helaa Macaanka Cibaadada” Sheekh Maxamed Cumar Dirir.

Sidee Loo Helaa Macaanka Cibaadada" Sheekh Maxamed Cumar Dirir.

Tafsiir Gaagaaban || Casharka 189 aad || Al-Maa’ida 48-50… Soo Jeedinta Sh. Maxamed Sh. Cumar Dirir

Tafsiir Gaagaaban || Casharka 189 aad || Al-Maa'ida 48-50... Soo Jeedinta Sh. Maxamed Sh. Cumar Dirir

Sh. Mustafe X.Ismaaciil Haaruun Cudurada Qalbiga Ku dhaca (Al Qalbu Saliim)

Sh. Mustafe X.Ismaaciil Haaruun Cudurada Qalbiga Ku dhaca (Al Qalbu Saliim)